4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2015
Hay’ada SWDC oo Maanta daah-furtay barnaamij lagu Caawinayo Haweenka Somalia (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 12, 2015 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu Daah-furay barnaamij is-gaarsiineed lagu caawinayo haweenka loo geysto xad-gudbyada, kaasoo loogu magac-daray CEEBLA, iyadoo munaasabaddii lagu daah-furayay ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda SWDC, saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya, qareenno, haween, maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, hor-joogayaasha xeryaha ay ku nool yihiin barkacayaasha iyo bulshada rayidka ah.

Barnaamjkaan ayaa waxaa fikirkiisa lahayd hay’ada Somali Women Developments Center (SWDC), Waxaa ugu horreyntii halkaas warbxin ku saabsan barnaamjka CEEBLA kasoo jeedisay Sahro Maxamed Axmed oo ka mid ah sraakiisha sare ee SWDC, waxayna si aad ah ugu dheeraatay ujeeddada barnaamijkan, waxayna sheegtay inuu barnaamijkan yahay mid lagu caawinayo haweenka Soomaaliyeed ee loo geysto xad-guduyada.

“Adeegga Is-gaarsiinta ee Ceebla waxay leedahay hawl-wadeenno joogto ah oo caawinaya dadka soo wacaya inay ku hagaan dhamaan adeegyada kala duwan ee deegaannadooda ka jira. Haddaba, sida ay u soo codsadaan ama baahidooda ay tahay, waxay diirada saaraysaa caawinta haweenka ku dhacay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo meel ka dhacyada kala duwan,” ayay tiri Sahro Maxamed Xasan.

Xubnihii kale ee ka hadlay waxaa ka mid ahaa taliyaha qaybta Waliyow-cade, Maxamed Daahir iyo taliyaha saldhiga degmada Wadajir C/baasid Maxamuud Cageey oo si weyn u soo dhaweeyay barnaamijka CEEBLA iyagoo ku tilmaamay barnaamijkan mid wax weyn ka taraya dhibaatooyinka haweenka loo geysto, iyagoo ballan-qaaday in ciidanka booliiska Soomaaliyeed ay ka qayb-qaadan doonaan sidii uu uga mira-dhali lahaa barnaamijkan.

Sidoo kale, waxaa iyagana halkaas ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay degmada Wadajir, Maxemed Cali Faarax oo ka socday dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo qaar ka mid ah hor-joogayaasha xeryaha barakacayaasha Muqdisho, iyagoo ugu horreyn u mahad-celiyeen hay’adda SWDC oo ay sheegeen in barnaamijka Ceebla furitaankiisa uu ku soo beegmay xilli loo baahnaa, iyagoo goobta ka ballan-qaaday inay la shaqeyn doonaan hawlwadeenada barnaamjika Ceebla.

Ugu dambeyn, agdeegan isgaarsiinta cc Ceebla wuxuu ku saleysan yahay mabaadi’i iyo qiyam kala ah;

1. Waxay bixinaysaa wax qabasho tayo sare leh, kala sooc lahayn oo ku saleysan tixgelin buuxda ee ilaalinta sirta iyo qarsoonida qofka.

2. Waxay bixinaysaa adeegyada kulminaya nidaam caawinaad; kana maran caburis.

3. Waxay bixinaysaa adeegyo lagu caawinayo haweenka, taageerana raad-sadaan.

4. Waxay kaashanaysaa adeeg bixiyeyaasha kale; sida ururrada bulshda rayidka, booliiska, bahda caafimaadka iyo cadaaladda.

5. Adeega Ceebla wuxuu kaashanayaa hay’adaha ammaanka Qaranka iyo kuwa caalamiga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya