4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2015
MADAXWEYNAHA SOMALIA: Ma jiro Qorshe la doonayo in wax looga bedelo calanka Soomaaliya


Isniin, Oktoobar 12, 2015 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta Calanka Soomaaliya ee 12-ka Oktoobar ayaa madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay maalinta calanka Soomaaliya ayaa beeniyay in calanka Somalia la bedelayo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in wararka la baahinayo ee ah in calanka Somalia la bedelayo aysan waxba ka jirin oo ay yihiin kuwo been abuur ah oo lagu doonayo in shacabka lagu jah-wareeriyo.

“Warar lagu baahiyay Internet-yada ee ah in calanka la bedelayo, xiddigiitsana wax laga bedelayo waa been abuur aan sal iyo raad lahayn,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo intaas ku daray. “Waa ku-tiri-ku-teen warkaas. Waana mid loogu talo-galay in shacabka Soomaaliyeed lagu jah-wareeriyo.”

Munaasabada lagu xusayay 61-sano guuradii maalinta calanka Somalia ayaa waxaa goob-joog ka ahaa ra’iisal wasaaraha xukuumadaha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo weliba xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia.

“Waxaan rabaa inaan maanta halkan uga sheego shacabka Soomaaliyeed in calankoodu uu yahay calankii la taagay 26-kii Juun sannadkii 1960-kii. Mana jiro qorshe lagu doonayo in wax looga bedelo,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh intaas ku daray.

Baraha Internet-ka qaarkood ayaa dhawaan lagu baahiyay in warar sheegaya in calanka Somalia wax looga bedelayo, qorshahaas oo la sheegay in dalalka Kenya iyo Itoobiya. Iyadoo wararku ay intaas ku darayaan in in labada dowladood ay u gudbiyeen ururka Midowga Afrika ashtako ah in xiddiga shan gees leh ee dhexda uga taalla calanka Somalia ay tahay mid xadgudub ku ah dalalkooda, oo si gaar ah loogu sheegayo deegaanno ka tirsan dalalkooda.

Ugu dabmeyn, hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Somalia ayaa noqonaya kii ugu horreysay ee uu warkaas ku baahiyay inuu yahay mid been abuur ah oo la doonayo in shacabka Soomaaliyeed lagu marin-habaabiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya