4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2015
Magaalada Nairobi oo Dhawaan lagu Qabanayo Toddobaadka Dhaqanka Somalia (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 12, 2015 (HOL) — Kulan loogu magac daray toddobaadka dhaqanka Soomaalida ama "Somali Heritage Week" oo socon doono mudo shan maalmood ah ayaa dhawaan lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay xarunta dhaqanka Aw Jaamac Cumar Ciise, ayaa waxaa lagu daah-furay Xaflad shalay ka dhacday xaruntaas oo lagu soo bandhigaayay ujeedada kulan Dhaqameedkaas oo  bisha soo socoto lagu qaban doono Madxafka Qaranka Kenya ee magaalada Nairobi (Nairobi National Museum).

Fardowsa Jaamac Yuusuf oo ka mid ah guddiga xarunta Aw Jaamac Cumar , ayaa sheegtay in kulan-dhaqameedkaas oo socon doono inta u dhaxeyo 18-ka ilaa 22-ka bisha November ee soo socota uu iskugu jiri doono qeybo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhaqan, hal abuur iyo Bandhig Buuggaag.

"Kulanka toddobaadka dhaqanka Soomaalida wuxuu iskugu jiri doonaa qeybo kala duwan oo ay ka mid yihiin bandhigga buuggaagta, bandhiga dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, waxaana ka qeyb gali doono Hal Abuurayaal Soomaaliyeed, Ururada dhaqanka, Marti Sharaf ka kala imaan doonto Somalia, gobalka waqooyi-bari Kenya iyo dunida daafaheeda. Sidoo kale mudada uu socdo kulankaas waxaa ka qeyb gali doono Ardayda Jaamacadaha iyo dad badan oo iskugu jiri doono Soomaali iyo Ajaanib", ayey tiri Fardowsa. 

Fardowsa Jaamac oo shalay ka hadleysay xaflad ay ku qabteen Xaruntooda Nairobi, ayaa sheegtay in muddo lix bil ah ay soo wadeen qaban-qaabada kulankaas oo ay tilmaamtay in hada uu meel wanaagsan u maraayo.

"Muddo lix bilood ah ayaan barnaamijkaan soo wadnay, hadafkeena ugu weyna wuxuu yahay inaan tusno oo barno dadka aan Somalida ahayn dhaqankeena iyo hal abuurkeena", ayey mar kale tiri Fardowsa oo intaas ku dartay in kulanka lagu soo bandhigi doono sida loo tolo ama loo sameeyo Kabadaha, Danbiilaha, Hararka. Sida loo dhiso Aqal Soomaaliga iyo sida loo qoro Kooraha.

Dhanka kale Maxamed Xasan Ciro oo ka mid ah howl-wadeenada Xarunta dhaqanka, Wax akhriska iyo Cilmi baarista Aw Jaamac Cumar Ciise oo ku taallo wadada lixaad ee xaafada Islii, ayaa ka warbixiyay  xaruntooda oo uu sheegay iney aas-aaseen aqoonyahano iyo Hal abuurayaal Soomaaliyeed bishii August ee sanadii 2013-kii. Wuxuuna sheegay Ciro in xarunta ay yaalaan buuggaag aad u tiro badan ayna maalin kasta booqdaan dad boqol qof kor u dhaafaayo. 

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya