4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2015
Jaamacad loogu magacdaray ABRAAR oo kusoo biirtay Jaamacadaha ka jira Dalka (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 12, 2015 (HOL) — Munaasaibad si heer sare loosoo agaasimay oo lagu daah-furayay Jaamacad cusub oo loogu magacdaray ABRAAR ayaa lagu qabtay maanta magaalada Mqdisho, iyadoo ay ka qayb-galeen xafladda mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda tacliinta sare xukuumadda Soomaaliya , macallimiin, arday, waaliddiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada

Xafladda furitaanka ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda ABRAAR, C/risaaq Nuur Nuune oo ka warbixiyay ujeedka iyo culuunta lagu baran doono jaamacada, waxaanu xusay inay kaga duwan tahay jaamacadaha dalka   ka jira dhinaca aqoonta oo uu sheegey inay tahay mid sarreysa, isagoo intaa ku daray. “Sababaha loo furey jaamacadda ABRAAR waa inay dhalinyarada dalka ay dalkooda uga heli lahaayeen fursado dalkooda ay uga heli lahaayeen aqoontii ay bannaanka ugu bixi lahaayeen.”

Sidoo kale, waxaa hadlay agaasimaha wasaaradda tacliinta sare ee dowladda FS, Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo u mahad-celiyay intii ka shaqeysay furitaanka jaamacadda ABRAAR; isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Somalia qorshaheedu yahay sidii loo kobcin lahaa waxbarashda oo uu sheegey inay fure u tahay homrumrka aqooneed ee dalka iyo dadka. Isagoo u soo jeediyay maamulka jaamacadda ABRAAR inay gacan siiyaan dhallinyarada doonaysa inay wax-bartaan.

Jaamacadda ABRAAR waxay ka kooban tahay shan kulliyadood oo kala ah; kulliyadaha caafimaadka iyo Injineeriyada, iyadoo sidoo kale ay dhigayaan jaamacadda macallimiin khibrad u leh aqoonta ay bixinayaan.

Ugu dambeyn, furitaanka jaamacadda ABRAAR kusoo beegentay xilli ay dalka ku sii kordhayaan tirada jaamacadaha; taasoo ka qayb-qaadanaysa sidii dalka uu u heli lahaa aqoon-yahanno ku filan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya