4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2015
Safaarada Somalia ee South Afrika oo casuuntay xildhibaano Jabuutiyaan iyo Somali ah (Sawirro)


Isniin, Oktoobar 12, 2015 (HOL) — Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa xalay casho-sharaf u sameysay xildhibaanno ka tirsan baarlamaannada Soomaaliya iyo kan Jabuuti, waxaana goob-joog ka ahaa cashada danjiraha Somalia ee Koonfur Afrika, danjire Jamal Maxamed Barroow, qunsulka safaaradda, Maxamed Cali Mire, nabadoonno iyo xog-hayeyaasha koowaad, labaad iyo sedexaad ee safaaradda Somalia, iyadoo casho-shafartaan lagu isku dhaafsaday warbixinnno kala duwan.

Cashada kaddib ayay xildhibaannadu waxay safaaradda ugu mahad-celiyaan casha-sharafta safiirka iyo madaxda kale ay u sameeyeen, iyagoo dhinac kale dowladda Soomaaliya ugu mahad-celiyay magacaabista safiirkeeda Koonfur Afrika.

Xildhibaan Cabdicasiis C/llaahi (Cabdi Xukun) ayaa sheegay inay wax-weyn tahay in ay safaaraddu soo dhaweysay casho-sharafna u sameeysay isagoo intaa raaciyay. “Dowladda federaalka Somalia wax wanaagsan bay sameysay markay soo da-dajiyeen magaacabidda danjiraha Somalia. Jaaliyadda Soomaaliyeed intii aan la kulmay waxay ii sheegeen inay baahi weyn u qabeen in safiir loosoo magaacabo dalkan.”

Sidoo kale, xildhibaanad Safiya oo ka tirsan xildhibaannada shirka baaralamaanada Afrika ku matalaya Jabuuti oo hadashay iyadana ayaa warbaahinta u sheegtay inay ku faraxsan tahay casha-sharafta ay safaaradda Somalia caawa u sameeyeen. waxayna tiri. “Danjiraha Somalia u jooga dalkan Koonfur Afrika ayaa cashadan nagu casuumay waana ku faraxsanahay inaan kasoo qaybgalo.”

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika, Jamal Barrow oo isagna hadal ka jeediyay goobta ayaa soo dhaweeyay xildhibaannada Somalia iyo kuwa Jabuuti ee Koonfur Afrika u yimid ka qayb-galka shirka baarlamaannada Afrika, wuxuuna ku bogaadiyay shaqada ay u hayaan dalalkooda.

“Xildhibaanada Soomaaliya iyo kuwa walaalaheen Jabuuti ee ka qeyb-galaaya shirka Pan Afrikan baaralamanada Afrika, waxaan anigoo ku hadlaayo magaca safaaradda leenahay soo dhawaada, waxaan nahay dad wada-dhashay oo xiriir wanaagsan leh,” ayuu hadalkiisa kusoo gaabiyay danjire Barroow.

Ugu dambeyn, shirka baarlamaanada Afrika oo ka socda waddankan Koonfur Afrika ayaa waxaa ka qayb-galaaya xildhibaanno ka socda baarlamaannada Qaaradda Afrika, iyadoo ay Somalia iyo Jabuutina qayb ka yihiin.

Cumar Maxamuud Maxamed [Kiyow]
E-mail:
[email protected]
Pretoria, Koonfur Afrika