4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2015
Isbitaalka Kismaayo oo la dhigay 100 Ruux oo uu soo ritay cudurka shuban-biyoodka (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 12, 2015 (HOL) —Ku dhawaad 100 ruux oo u badan carruur ay da’doodu ku yartahay 5 sano oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ayaa la dhigay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo, waxaana ilaa hadda cudurkani u geeriyootay sedex carruur ah siday ay inoo xaqiijiyeen dhaqaatiirta isbitalka Kismaayo.

Dadkan oo laga kala keenay shanta xaafadood ee ay ka koobantahay magaalada Kismaayo ayaa waxay dhamaantoood la ildaranyihiin cudurka shuban biyoodka, waxaana xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa isbitalka magaalada Kismaayo.

Agaasimaha isbitalka magaalada Kismaayo Dr. Xuseen Sheekh Qaasim oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodku soo biloowday bishii aynu kasoo gudub-nay ee September, imikana uu sii baahayo, isagoo sheegay in bishan gudaheeda isbitalka lasoo gaarsiiyay 100 qof oo la il daran cudurka shuban biyoodka.

Masuulkan ayaa sheegay in dadka la keenay isbitalka ay isugu jiraan carruur iyo dad waa-weyn, waxa uuna intaa ku daray in lala tacaalayo xaaladooda caafimaad.

“Weli ma aynan xaqiijin nooca uu yahay shuban biyoodkan ka dilaacay Kismaayo, laakiin bukaanada isbitalka la keenay waxaa u socoto daweyn, qaar ka mid ahna xaaladoodu aad ayay u wacantahay,” ayuu agaasimaha hadalkiisii raaciyay.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada ayaa waxaa ka jira kuleylo aad u daran, waxaana cudurkani uu aalaaba dilaacaa marka la gaaro xilliga kuleeylaha.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya