4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2015
Xiriirka kubada cagta Somalia oo loogu baaqay in ciyaartoyda ay kasoo xulaan Gobollada Dalka


Isniin, Oktoobar 12, 2015 (HOL) —Xiriirka kubadda cagta Jubbaland ayaa ugu baaqay maamulka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya in ciyaartooyda mataleeysa Soomaaliya laga soo xulo gobollada dalka, iyagoo sheegay in arintaasi ay keeni karto in Soomaaliya ay yeelato xul dhanka kubadda cagta ah oo awood leh.

Bishaar Cali Axmed (Kaata) oo ah macalinka xulalka sedexda gobol ee Jubbaland oo la hadlay shabakadda HOL ayaa ugu horeyn sheegay in uu aad uga xunyahay guuldarradii xulka qaranka Soomaaliya kasoo wajahday ciyaartii isreebreebka koobka aduunka ee ay la lahaayeen xulka dalka Niger taasoo looga badiyay 2-0.

Macalin Kaata ayaa sheegay in la doonayo in maamulka xiriirka kubadda cagta dalka Soomaalya ay ciyaartooyda kasoo xulaan gobollada dalka, arintaa oo uu xusay in ay horseedi karto guul laga gaaro dhanka isboortiga.

“Waxaa loo baahanyahay in xiriirka kubadda cagta Soomaaliya iyo maamulka xulka qaranka in ciyaartooyda ka qeybgaleeysa tartamada caalamka ee matalaya Soomaalya laga soo xuso guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya, tani waxay keeneeysaa in guul weyn uu gaaro xulka Soomaaliya,” ayuu macalinku hadalkiisii raaciyay.

Waxaa uu intaa ku daray in ciyaartooyda hadda matasha xulka Soomaaliya ay yihiin kuwo intooda badan laga soo xulay gobolka Banaadir, arintaa oo uu sheegay in ay tahay dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya ka heeysata dhanka Isboortiga.­­­

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa meesha ka baxay awooddii uu lahaa xulka kubadda cagta Soomaaliya, wallow imika dib loo yagleelay balse weli waxa ay dad badani aaminsanyihin in uu u baahanyahay in lagu sameeyo dib u habeyn intaa ka badan.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.