4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2015
Ardayda Dugsiyada Sare ee Waddanka Kenya oo maanta u fariisanaya Imtixaanadka Shahaadiga


Isniin, Oktoobar 12, 2015 (HOL) — Ardayda wax ka barato Dugsiyada sare ee waddanka Kenya, ayaa maanta oo taariikhdu ay ku beegan tahay 12 bisha October waxey si rasmi ah ugu fariisteen imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-naad ee Dugsiyada sare ee Kenya oo loo yaqaano “Kenya Certificate of Secondary Examination” (KCSE).

Golaha Qaranka Imtixaanaadka Kenya ee (KNEC) Kenya National Examinations Council, ayaa warbixin uu  soo saaray wuxuu ku sheegay in dhammaan ardayda Dugsiyada sare ee Kenya ay diyaar u yihiin Imtixaanaadka oo imaanaayo xili mudo shan toddobaad ah aysan ardaydu waxbarasho aadin bishii lasoo dhaafnay, kaddib markii macallimiintu sameeyeen Mudaharaadyo ay ku dalbanayeen in mushaaraadka loo kordhiyo.

Ardayda maanta imtixaanka u fariisaneyso, ayaa dhankooda waxey cadeeyeen iney diyaar u yihiin ka qeyb galka imtixaankaan oo sidoo kale imaanayo xili wali ay jiraan murano ku saabsan mushaarka Macalimiinta ee bishii aynu soo dhaafnay ee September oo Hay’adda adeega macalimiinta ee (TSC) ay diiday iney bixiso maadaama Barayaashu aynan bishaas Iskuulada xaadirin.

Dhanka kale qaar ka mid ah waallidiinta ardayda da’da yar ee wax ka barato Iskuulada Kenya, ayaa walaac xoogan ka muujiyay, warar dhawaan soo baxay oo sheegaayay in ardaydaas qaarkood ay si dadban ula shaqeynayeen xubno ka tirsan Ururka Al shabaab oo Kenya ku sugan.

Booliiska Xaafada Milliman ee magaalada Nairobi, ayaa iyaguna shaaca ka qaaday iney gacanta ku dhigeen saddex nin oo looga shakiyay iney carruurta ku bari jireen xaafadaas sida loo isticmaalo qoryaha fudud loona dagaal galo.

Warbixino ay Shalay qoreen warbaahinta Kenya, ayaa lagu sheegay in wiil 14 sano jir ah oo sanadkaan u fariisan doono imtixaanka Fasalka sideedaad ee Dugsiga hoose dhexe Kenya ee KCPE ay Waalidiintiis ka shakiyeen dhaq-dhaqaaqiisa kadibna ay geeyeen Saldhiga Ciidamada Booliska ay ku leeyihiin xaafadaas kuwaasoo markii dambe ogaaday in wiilkaas uu ku xiranaa raga Al Shabaab looga shakiyay.

Wiilkaas yar ayaa sheegay in guriga ay ragaas ka kireysteen xaafadaas lagu siin jiray Casharo ku saabsan Jihaadka, sidoo kalana lagu bari jiray sida qoryaha loo fur-furo, sida xabadaha loo diro iyo muxaadarooyin ku saabsan sidii ay dad badan u keeni lahaayeen.

Ciidanka ayaa dhankooda waxey sheegeen iney gacanta ku dhigeen ragaas looga shakiyay iney Al Shabaab ka tirsanaayeen, waxeyna ku sheegeen ujeedka ay gurigaas u dageyn iney aheyd sidii ay maskaxda oga xadi lahaayeen carruurta da’doodu ay u dhaxeyo 14 ilaa 20 sano jiro, isla markaasna ay ogu qori lahaayeen Ururka Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalamo.

Arrintaan ayaa sidoo kale waxey imaaneysaa maalin ka kadib markii laga helay Wadada Accra ee dhex marto magaalada Nairobi, Boorso ay ka buuxday Budada laga sameeyo waxyaabaha qarxo oo la dhigay wadadaas oo ah mid aad u mashquul badan.

Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay Boorsadaas, ayaa sheegay iney baari doonaan cidii halkaas dhigtay waxeyna ugu baaqeen shacabka iney ku wargaliyaan ciidamada hadii ay arkaan waxyaabo ay ka shakiyaan.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya