4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2015
Xafiiskii Telefishinka Universal uu ku leeyahay Muqdisho oo loo fasaxay inuu howlihiisa sii wato


Isniin, Oktoobar 12, 2015 (HOL) — Xafiiskii Universal TV ee Muqdisho ayaa xalay loo fasaxay inuu howlihiisa wato, kaddib markii todobaadkii hore ay albaabada isugu dhifteen ciidamada sirdoonka Qaranka Somalia.

Howgelidda xafiiska telefishinka ayaa ku timid wadahadal dhex-maray maamulka TV-ga, wasaaradda warfaafinta iyo hay’adda nabad-sugida Qaranka, iyadoo horay loo sii daayay wariyeyaashii TV-gan ee la xiray toddobaad ka hor.

Agaasimaha Universal TV ee Bariga Afrika, C/llaahi Xirsi Kulmiye ayaa sheegay inay dadaal u galeen sidii xafiiskii telefishinka uu howlihiisa dib ugu billaabi lahaa, isagoo intaas ku daray in howshaas billaabeen markii lasii daayay.

“Haatan xafiiska tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho dib ayaa loo fasaxay, waxaana innaga, wasaarada warfaafinta iyo nabadsugida sidii ay wada-shaqeyni noo dhex-mari lahayd, wixii dhacayna laga gudbo. Waxaana heshiiska ka mid ah inaan ka shaqeynno wacyi-gelinta bulshada iyo dhiirri-gelinta nabadda,” ayuu yiri C/llaahi Xirsi.

Sidoo kale, C/llaahi Kulmiye wuxuu xusay in telefishinka uu sii wadayo wada-shaqeynta uu la leeyahay wasaaradda warfaafinta Somalia.

“Telefishinka Universal waa mid loo leeyahay oo ka madax-bannaan dowladda, waxaa hoos-tagnaa wasaaradda warfaafinta, waxaan ku heshiinay wax Alla iyo wixii horumar u keenaya dalka iyo dadka Soomaaliyeed, is faham noocaas ayaa yimid,” ayuu yiri agaasimaha Bariga Afrika ee Universal Tv.

Ugu dambeyn, waxay ahayd bishan billowgeedii markii ciidamada nabad-sugidda Qaranka ay xabsiga dhigeen agaasimaha Bariga Afrika ee Universal Tv iyo Cawil Dahir Salaad, iyadoo arrimaha loo xiray ahayd dood ka baxday telefishinka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya