4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2015
Maamulka Puntland oo ka Hor-timid in Xayiraad lagu soo rogo Ganacsiga Shidaalka Soomaaliya


Isniin, Oktoobar 12, 2015 (HOL) — Hay’adda batroolka Puntland ayaa kasoo hor-jeestay warbixintii kooxda Qaramada Midoobay ee la socodka cunno-qabateynta hubka ee dalalka Somalia iyo Eritrea ee ahayd in xayiraad la saaro heshiiyada shidaalka, si aanay qal-qal u galin xasilloonida Somalia.

Agaasimaha hay’adda Batroolka Puntland, Ciise Maxamed Faarax ayaa sheegay inaysan aqbali doonin isku day kasta oo la doonayo in lagu curyaamiyo jirtaanka iyo Qaranimada Soomaaliya.

“Waxay aheyd qalad in Qaramada Midoobey ay xayiraad saarto qaran mar dhow ka soo baxay dagaal sokeeye, diyaarna u ah inuu sameeyo horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaale”ayuu yiri Ciise Maxamed Faarax.

Sidoo kale, Ciise Dholowaa ayaa ugu baaqay QM inay ka caawiso nidaam lagu maamuli karo dakhliga tamarta. Iyadoo Warbixin ku saabsan Soomaaliya oo ay dhawaan lasoo bandhigi doono ayaa ku celisay talo-soo-jeedin ay 2013-kii soo saartay, taasoo ahayd golaha ammaanka uu mamnuuco heshiisyada ganacsiga shidaalka iyo saliidda Somalia.

Kooxda la socodka xayiraadaha hubka ee Somalia iyo Eritrea ayaa ku doodaysa in Somalia aysan lahayn qaab sharci iyo nidaam ah oo ay ku kormeeri karto ka miro-dhalinta dakhliga tamarta Somalia.

Xukuumadda Somalia iyo shirkadda Soma Oil & Gas oo fadhigeedu yahay Britian oo la siiyay qandaraaska baarista shidaalka Soomaaliya ayaa iyagana ku gacan-sayray soo jeedintan.

Shirkadda Soma Oil & Gas oo 40-milyan oo doollar ku bixinaysa fulinta sahamin shidaal oo ay ka sameysay xeebaha Somalia ayaa waydiisatay dowladda Britian inay gacan ka gaysato sidii loo xannibi lahaa soo jeedinta kooxda Qaramada Midoobay ee warbixinta cusub soo bandhigaysa.

Ugu dambeyn, xafiiska ka hortaga musuq-maasuqa ee dalka Britain ayaa furay dhawaan baaritaanka eedeymo la xiriira musuq-maasuq ay shirkadda Soma Oil & Gas ku kacday, kuwaasoo ay ka mid yihiin laaluush.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya