4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 1 , 2015
Dowladda Jarmalka oo Shaacisay inay Dastuurka Waddankeeda ku Qortay Luuqadda Carabiga


Khamiis, Oktoobar 01, 2015 (HOL) — Xukuumadda Jarmalka ayaa sheegtay inay luuqada Carabiga ku daabacday dastuurka dalkeeda, iyadoo lagu Wado in loo Qaybiyo Nuqulladan Dastuurka ah ee ku qoran Carabiga Qoxootiga waddankaas ku Qul-qulaya.

Dowladda Jarmalka ayaa xustay in Qoxootiga waddankeeda soo galay Sannadkan 2015-ka ay gaarayaan in ka badan 800,000, kuwaasoo 200,000 oo ka mid ah ay galeen Septembertii aan soo dhaafnay, iyadoo mas’uuliyiinta Jarmalku ay sheegeen in loo baahan yahay in wax laga baro dastuurka dalkooda iyo waliba dhaqanka Jarmalka.

Maadaama inta badan Qaxootiga Dalkaas soo Galay ay u badan yihiin shacab ka soo jeeda dalka Suuriya Suuriya ayay Xukuumadda Jarmalku sheegtay inay Luuqadoodda Carabiga ugu Qortay Dastuurkeeda si ay u fahmaan Xaquuqaadka ay leeyihiin iyo Waajibaadka laga doonayo.

Ku-xigeenka Hoggaamiyaha Jarmalka Sigmar Gabriel ayaa sheegay inay soo dhaweynayaa Qoxootiga Waddankooda soo Galaya, Laakiinse loo baahan yahay in ay bartaan sidii ay ula qabsan lahaayeen bulshada Jarmalka.

“Qoxootiga halkan [Jarmalka] imaanaya ma ahan oo keliya waxa ay Baranayaan Luuqadda Jarmalka, balse ay tahay inay bartaan sidii ay Shacabka Dalkan ay u Dhex-geli lahaayeen,” ayuu hadalkiisa ku daray Gabriel.

Garbriel ayaa intaa ku daray. “Waxaan ku Qanacsanahay in 20-ka Qodob ee ugu Horreeya Dastuurka Dalkooda ay si cad u  Qeexayaan Dhaqanka Jarmalka.” Wuxuuna intaa ku daray inay daabaceen 10,000 oo Nuqul oo Dastuurka ah, kuwaasoo lagu Qaybin doono xarumaha lagu diiwaan-gelinayo Qoxootiga imaanaya Jarmalka.

Xeer-hoosaadka Wadanka Jarmalka ayaa la Ansixiyay Sannadkii 1949-kii, kaasoo dhigaya Shuruucda Aasaasiga ah, Wuxuuna sidoo kalena Qeexayaa Awoodda Dowladda Dhexe iyo Awoodaha 16-ka maamul goboleed ee Waddankaas ka jira.

“Ma jirto cid la qasbayo, qofku markuu yimaado Jarmalka laguma qasbi karo inuu diintiisa bedelo ama uu wax ka bedelo noloshiisa gaarka ah; Laakiinse tan muhiimka ah ee ay tahay in la ogaado waa in dhaqanka dalkan uu yahay mid ku dhisan dimuqraadiyad ayna tahay in qof walba oo bulshada ka mid ah uu raaco,” ayuu hadalkiisa ku daray Gabriel.  

Ugu dambeyn, Ku-xigeenka Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa xusay inay ku tahay waajib qof walba oo Jarmalka yimaada inuu aqbalo Shuruucda Aasaasiga ah ee Jarmalka u yaalla, sida in Xukunka & Diinta la kala saaro, xuquuqda sinnaanta Ragga & Dumarka iyo Xorriyatul-Qowlka. Isagoo Xusay in Jinsi-nacaybka aan cidna laga Aqbali doonin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya