4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 1 , 2015
Calanka Falastiiniyiinta oo Markii ugu Horreysay la suray Xarunta Qaramada Midoobay (SAWIRO)


Khamiis, Oktoobar 01, 2015 (HOL) — Markii ugu Horreysay ayaa Calanka Falastiin ayaa laga taagay Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York kaddib markii xubnaha QM ay dhawaan u codeeyeen inay xubin kor-joogto ah ka noqoto Golaha loo dhan yahay.

Tallaabadaan Waxaa si aad ah looga soo dhaweeyay waddamo badan oo Caalamka ah, gaar ahaan kuwa Islaamka iyo Falastiin; iyadoo lagu Tilmamaay inay tahay tallaabo ay Falastiin horay u Qaadday.

Magaalooyinka Falastiin ayaa Waxaa ka socda Bannaan-baxyo aad u ballaaran oo lagu soo Dhaweynayo Tallaabadaan, kuwaasoo ay ka Qayb-galayaan Shacab kala duwan; oo Heeso ay ku taageerayaan Arrintan Qaadayay.

Jamciyada Quruumaha ka dhexeysa ayaa horraantii bishan ogolaaday in calanka Falastiin laga Taago Dhismayaasha Qaramada Midoobay ee New York, iyadoo loo ogolaaday inay Xukuumadda Falastiin Xubin Kor-joogto ah ka Noqoto Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha dalka Falastiin, Maxmuud Cabbaas ayaa Arbacadii Qaramada Midoobay u sheegay in Falastiin aysan wixii hada ka dambeeyay aysan u hogaansami doonin Heshiiskii Oslo oo ay Israa’iil kula jireen, kaasoo 20 jirsaday; iyadoo Cabbaas uu QM ugu yeeray in Shacabka Falastiin la siiyo ilaalo Caalami ah.

Sidoo kale, Cabbaas ayaa Yuhuudda ku eedeeyey inay sii dayso Maxaabiista Reer Falastiin ee u xiran, xilli ay Israa'iil waddo dhismayaal ay ka sameynayso Daanta Galbeed. Waxaana tani ay noqonaysaa digniintii ugu adkeyd ee ku saabsan inay Falastiin soo af-jarayso wada-shaqeynta kala dhexeysay Israa’iil, Laakiinse waxba kama uusan sheegin Wada-shaqeyntii Xoogagga Ammaanka ee Falastiin iyo Ciidammada Israa’iil ee Daanta Galbeed, kaasoo ay kaga hortagayeen Ururka Hubeysan ee Xamaas.

Ugu dabmeyn, Hadalka Maxamuud Cabbaas ayaa keenay Fal-celin deg-deg ah oo ka timid Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, isagoo Sheegay in Hadalka Cabbaas uu ahaa hadal Qiyaamo ku dhisan, isla markaana Dhiirri-gelin siinaya burbur Bariga Dhexe ku yimaada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya