4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 1 , 2015
Maxkamad ku taalla dalka Zimbabwe oo Amar ku bixisay in la Musaafuriyo Muwaadin Soomaali ah


Khamiis, Oktoobar 01, 2015 (HOL) — Garsooraha Maxkamadda Magaalada Bulo-wayo ee dalka Zimbabwe, Tinashe Tashaya ayaa amar ku bixiyay in Muwaadin Soomaaliyeed laga musaafuriyo dalkaas, kaddib markii uu sheegay in lagu helay in Zimbabwe uu kusoo galay si sharci-darro ah uuna ku joogay.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi C/qaadir oo 23-jir ah ayuu sheegay Garsooraha Maxkamadda Bula-wayo, Tashaya inuu qirtay dambiga lagu soo oogay oo ah inuu Zimbabwe kusoo galay si sharci-darro ah.

Sidoo kale, Garsooraha ayaa amar ku bixiyay in Cabdi C/qaadir muddo Saddex bilood ah lagu hayo xabsiga, markuu xabsiga dhameystana si dhaqso ah loogu Musaafuriyo dalkiisa hooyo ee Somalia.

Xukunka lagu riday Cabdi C/qaadir ayaa kusoo beegmaya kaddib markii walaalkiis oo lagu magacaabo Abshir C/qaadir isagana Xukunkaan oo kale lagu ridday, uuna ku xukumay isla Xaakimkan, inkastoo Dib loo Dhigay Dacwadda Abshir, kaddib markii uu sheegay inuusan fahmin xukunka, lana waayay turjubaan Xukunka ugu Sharraxa Afka Ingiriiska.

Dhanka kale, Xeer-ilaaliyaha dalka Zimbabwe ayaa sheegay in labadan Ruux ee Walaalaha ah la Qabtay 20-dii Bishii Hore ee September, kaddib markii ciidamada Amniga dalkaas ay kula kulmeen xarun ganacsi oo ku taalla Bulawayo ayna tusi waayeen sharci ay Zimbabwe kusoo galeen.

Ugu dambeyn, Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa lala soo Xiray Ruux kale oo u dhashay dalka Zimbabwe, kaasoo lagu magacaabo Nicholas Chimbuya Mzilikazi oo lagu eedeeyay inuu si sharci-darro ah dalkaas kusoo geliyo dadka Ajaanibta ah isagoo ka qaata 50-doollar.

Si kataba ha ahaatee, Dalka Zimbabwe ayaa Wuxuu marin u yahay Dadka u sii Gudbaya Dalka Koonfur Afrika oo ay daris yihiin, iyadoo xukunka labadan Qof ee Soomaalida ah lagu Musaafuinayo uu yahay kii ugu Horreeyay oo Maxkamadi ay riddo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya