4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 1 , 2015
Warshada SODA KING & Shirkada Al-Irshaad ee Puntland oo Heshiis kala Saxiixday (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 01, 2015 (HOL) — Munaasabad ay Heshiis Is-kaashi ku kala Saxiideen Maanta Warshada Cabitaannada  SODA KING iyo Shirkadda Cabitaannada Al-Irshaad ee Fadhigeedu yahay Puntland ayaa lagu Qabtay Hoolka Shirarka ee Warshadda Soda King ee Muqdisho, ugu horreyn waxaa Munaasabadda ka Hadlay maamulaha Warshada Soda King, Ahmed Sheekh Yuusuf Guuleed ayaa sheegay in Heshiiskani uu muujinayo is-dhax-galka iyo Wada-shaqeynta Ganacsatada Soomaaliyeed.

“Waxay Mas’uuliyiinta Shirkada Al-Irshaad ee Puntland waxay nooga yimaadeen Goballo Fog-fog si u Xaqiijiyaan Heshiiskan, waxaan ku Rajo-weyn-nahay inuu noqon doono mid Wax weyn u tari doona Labada Shirkadood iyo Guud ahaan Horumarka Dalka,” ayuu yiri Axmed Guuleed.

Sidoo kale, Waxaa isna ka hadlay goobta maamulaha Shirkadda Al-irshaad, Xirsi C/qaadir (Alle Macadaabe) oo sheegay in sababaha ay Magaalada Muqdisho ay u yimaadeen inay saxiixayaan Heshiiskan, Waana waajib inaan Dhiirri-gelinno Wax-soo-saarka Dalkeenna. Labadii bilood ee lasoo dhaafay ayaan Cabitaannada Soda King iyo Aqua King ku iibinay-nay Magaalooyinka Puntland, waxaanan aad u soo dhaweeyay kana helay Shacabka ku Nool Gobolladaas, Waa Cabitaan 100% ka Tayo Wanaagsan kuwa Dibadaha laga keeno, Waxaan dooranay inaan joojinno dhammaan cabitaannadii dalka dibaddiisa aan ka keeni jirnay. Innagoo aad ugu faraxsan inaan noqono Wakiilka Soda King ee Puntland.

Qodobadda Heshiiskan ayaa Waxaa ka mid ah in Shirkadda Al-Irshaad ay Geyn Doonto Gobollada Puntland 10,000 oo Kartoon Cabitaan ah bil walba, iyadoo Hal Sano kaddibna Warshada SODA KING ay Puntland ka furi doonto Warshad Labaad oo soo Saari Doonta Cabitaannada Soda King iyo Aqua King, Labada Shirkadood ayaa hadda billaabay cilmi-baarista Warshadda SODA KING ee Puntland Waxaana Warshaddaas wada lahaan doona ganacsatada labada dhinac.

Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa Wuxuu Maamulaha SODA KING Axmed Guuleed ku guddoonsiiyay Maamulaha Shirkadda Al-Irshaad ee deegaannada Puntland Shahaadada loo yaqaan “Authorized Distributor Certificate”.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya