4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 1 , 2015
Golaha Wasiirada oo Maanta Ansixiyay Sharciga Wax-ka-qabadka Miinda iyo Walxaha Qarxa


Khamiis, Oktoobar 01, 2015 (HOL) — Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankooodii caadiga ahaa, waxaa looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin Ansixinta Sharciga Wax-ka-qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa, Ansixinta dhismaha Hay’ada wax-ka-qabadka Miinda & Walxaha Qarxa (SEMA).

Golaha Wasiirada ayaa ugu horreyntii si qoto-dheer uga dooday Sharciga Wax ka Qabadka Miinda iyo Walxaha Qarxa oo ay soo Diyaarisay Wasaaradda Amniga Gudaha, Waxaana Faah-faahin dheer ka bixiyay Wasiirka Wasaarada Amniga, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, isagoo sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay helista iyo nidaam xaqiijinaya wax ka Qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa oo dhibaato ku haya Dadka iyo Xoolaha ku dhaqan miyi iyo magaalaba, maadaama dalku soo maray dagaalo kala duwan ayna jiraan walxo aan weli qarxin, kuna aasan dhulka, markastana ku Qarxa si aan ku Tala-gal ahayn, ayna dhibaateeyaan shacabka iyo hantidiisaba.

“Waxaa Cad baahida loo Qabo in la helo Barnaamij ku Habboon Howsha Miinada laguna baajinayo dhibaatada iyo khatarta aadami ee ka dhalata Miinda Dhulka iyo Walxaha aan weli Qarxin,” ayuu yiri Wasiirka oo sheegay in Miinada iyo Waxlaha kale ee Qarxa ay dib u dhac dhaqaale u keento deegaannada, maadaama laga cabsi qabo in la maalgashado ama dib u dhis iyo horumarinba lagu sameeyo.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu Dambeyntii Ansixiyay Sharciga Wax-ka-qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa, Waxayna sidoo kale isla kulankoodan ku ansixiyeen dhismaha hay’adda wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa (SEMA).

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Meel-mariyay Xeer Nidaaminaya Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Gudaha ka Howlgala ee ka shaqeeya howlaha Miinada iyo Walxaha Qarxa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya