4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 1 , 2015
SAWIRRO: Waddo isku Xiraysa Caabudwaaq iyo Hobyo oo la dhagax-dhigay iyo Mudane ka hadlay


Khamiis, Oktoobar 01, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Dhagax-dhigay Waddo isku xiri doonta Degmooyinka Caabud-waaq iyo Hobyo oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Mudug, iyadoo dhismaha waddadan uu ka hadlay Xildhibaan Maxamed Geeddi Cawaale oo ka mid ah Guddiga Dib u Dhiska Waddooyinka iyo Dekedaha Galmudug.

Shirkadaha ku howlan Dhismaha Waddadan oo ka billaabata Afaafka hore ee Magaalada Cadaado, walina ma helin maal-galin balaaran oo hawsha lagu wadayo, sida ay sheegeen qaar ka mid ah  mas'uuliyiinta Maamulka Galmudug.

Cilmi Nuure Wehliye oo Madax ka ah mid ka mid ah Shirakadaha Dhismahan wada ayaa sheegay inay faleen dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay dhul 1-km ah oo ay ku shubeen carro-kaawo; taasoo uu xusay in laamiga ugu horreeya ay saari doonaan.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Cabdullaahi C/raxmaan oo isna saxaafadda kula hadlay goobta dhagax-dhigga waddadan ayaa sheegay in waddadaan ay mari doonto Deegaannada Gidhays, Ardo, Baxdo, Qaydaro, Bajeela, Wisil, Gawaan iyo Hobyo, iyadoo Galbeedna u aadi doonta Degmada Caabud-waaq.

Sidoo kale, Cabdikariin Guuleed ayaa isna sheegay in ka maamul ahaan ka shaqaynayaan hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana dhismaha jidkan uu ugu yaboohay 50-kun oo Doollarka Mareykanka ah.

Dhanka kale, Xildhibaan Maxamed Geeddi Cawaale ayaa isagoo Muqdisho ku Sugan u sheegay HOL in tani ay tahay tallaabadii ugu Muhiimsanayd oo uu qaado Maamulka tan iyo markii lagu dhisay Cadaado.

“Wadadan la dhisayo waxay muhiim u tahay isku xira deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug, waxay fududeyn doontaa kaabayaasha dhaqaalaha, sidoo kale waxay qayb ka qaadanaysaa howlaha dekedda Hobyo oo dhawaan la dhisi doono iyadana,” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cawaale oo ka mid ah Guddiga dib u Dhiska Waddooyinka iyo Dekedaha Maamulka Galmudug.

Ugu dabmeyn, dhismaha waddadan oo loo arko inay tahay mid muhiim ah u ah maamulka KMG ah Galmudug ayaa kusoo beegmaysa xilli Hawl-galinta Dekedda Hibyo dhawaan la filayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya