4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 1 , 2015
Maraykanka oo Howlo-fuliye u soo Magacaabay Somalia iyo Heshiis la kala Saxiixay (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 01, 2015 (HOL) — Xukuumadda Washington ayaa hawlo-fuliye u soo Magacowday Soomaaliya, iyadoo xilkan loo magacaabay, David H Kaeuper oo la sheegay inuu isha ku hayn doono isbedellada ka socda Somalia.

Mareykanka iyo Somalia ayaa sidoo kale heshiis dhanka Xoojinta Ciidamada Booliiska ah ay ku kala saxixdeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaasoo Mareykanku uu gacan uga geysanayo tababarriadda iyo qalabeynta Booliiska Somalia.

Kaeuper ayaa madax ka noqon doonaa Howl-gallada dublamaasiyadeed ee Mareykanka ee Somaaliya oo si rasmi ah loogu dhawaaqay horraantii bishii lasoo dhaafay ee September.

Dhinaca kale, Xafiiska Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u Qaabilsan Arrimaha Sharci-fulinta Caalamiga ah iyo la-dagaallanka Daroogada ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday dowladda Somalia iyo Maamulka Puntland, si sare loogu qaado wada-shaqeynta Labada dhinac ka dhaxeysa ee Tababarada Ciidamada Booliiska.

Heshiiskan ayaa wuxuu ogolaan doonaa in hal milyan oo Doollar oo ka mid ah Lacagta Xafiiskan Magaciisa loo soo gaabiyo (INL) ugu tala galay Tababarrada Booliiska iyo La-dagaalanka Argagixisada la siiyo maamul-goboleedka Puntland.

Qorshahan cusub ayaa wuxuu qeyb ka yahay in ballaanqaadka xafiiska INL ee ku Aaddan Dadaallada Gobolka ee ku aaddan Xoojinta Ciidamada Booliiska iyo kuwa kale ee la dagaalama kooxaha Argagixisada loo yaqaan.

Ugu dambeyn, Saxiixa heshiiskan ayaa ka dhacay Safaaradda Somalia ee Kenya, Waxaa saxiixa goobjoog ka ahaa RW ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte, Danjiraha Somalia ee Kenya, Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Saraakiil ka socday Mareykanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya