10/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2015
RW Somalia oo Maanta dhagax-dhigay safaaradii ay Soomaaliya ku lahayd Waddanka Kenya


Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Ra’iisal Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maalmahaan ku sugnaa dalka Kenya ayaa maanta dhagax-dhigay Safaarada Somalia ay ku lahead Kenya oo mudo badan ka maqneyd gacanta dadka Soomaaliyeed.

Dhismaha Safaaradda oo uu ka muuqdo bur-bur xooggan oo soo gaaray mudadii aanan la degeneyn, isla markaasna uu haystay nin si sharci-darro ah ku iibsaday oo ah Hindi haysta dhalashada dalka Kenya, ayaa la cadeeyay in dhismaheedu uu dhawaan bilaaban doono.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa maanta dhagax-dhigay Safaaradii hore ee Somalia oo la sheegay in lagu sameyn doono Dayactir xoogan si loogu shaqeeyo, madaama guriga ama Safaarada hada loogu shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed ee kenya ku dhaqan uu yahay mid kiro ah.

Guddoomiyaha gudiga dib u dayactirka Safaarada Muxidiin Cali Maxamed oo ka hadlay Xafladii dhagax-dhiga ahayd, ayaa sheegay in wixii bari ka dambeyo la gada gali doono dacaytirka. Wuxuuna ugu baaqay Shacabka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed iney ka qeyb qataan dhismaha Safaarada oo ay dhaqaalo ku bixiyaan.

Sidoo kale xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed oo ka qayb-galay dhagax-dhigaas, ayaa sheegay iney dhaqaalo iska arruurin doonaan si dib loogu dhismo Safaaradda.

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jamaal Maxamed Xasan oo dhawaanahaan ku howlanaa hirgalinta dib u dhiska safaarada, ayaa sheegay iney ku dadaali doonaan dhismaha Safaarada, wuxuuna intaas ku daray in haddii ay jiraan cidii rabto iney ka qabey-qaadato dhismahaas ay la soo xiriiri karaan.

Dhanka kale Sannadii 2010-kii ayey aheyd markii Maxkamada sare ee dalka Kenya ay u go’aamisay dadka Soomaaliyeed, iney si sharci ah u leeyihiin Dhulka ay ka kooban tahay Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya oo sannooyin badan ka maqneyd gacantooda.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya