4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2015
Dagaal Ciidanka Somalia iyo kuwa Al-shabaab ku Dhex-maray Dulleedka Garoonka Balli-doogle


Talaado, November 03, 2015 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ka dhacay duleedka garoonka Balli-doogle ee gobolka Shabeellada Hoose, dagaalkan oo ay guulo ka kala sheegteen dowladda Somalia iyo Al-shabaab.

Iska-horimaadkan oo muddo socday ayaa ka dhashay kaddib markii xoogag Al-shabaab ka tirsan ay weerar ku qaadeen gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo garoonka Balli-doogle kasoo baxay.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeellada Hoose, Maxamed Shiine oo qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab khasaare xooggan lagu gaar-siiyay dagaalka, ayna ciidamadu iska caabiyeen.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan ka dhashay ayaa haddana war ay Al-shabaab soo saartay waxay ku sheegtay inay ku dileen dagaalkaas in ka badan 30-askari oo ciidamada dowladda Somalia ka tirsan ayna ku furteen gaadiid dagaal.

“Weerarka waxaan ku dilnay 30 askari oo tababarayaal ah oo ciidamada Somalia ka tirsan, waxaan kaloo ku qabsannay dagaalka saddex gaadiidka ciidamada ah,” ayuu afhayeenka howlgallada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abu-Muscab ku yiri hadal uu siiyay warbaahinta Al-shabaab.

Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-shabaab ee ah in dagaalka ay ku dileen soddomeeyo askar dowladda ah, dhanka dowladdana kama soo bixin weli wax faahfaahin ah oo ku saabsan dagaalkan dhacay.

Dadgaalkan oo dhacay gabal-dhicii shalay ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Waanbati oo u dhexeeya Balli-doogle iyo degmada Wanla-weyn, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in dhincyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Axmed Ibraahim oo ka tirsan saraakiisha millateriga Somalia oo isna warbaahinta la hadlay ayaa yiri. “Al-shabaab waxay weerar dhabbo-gal ah ku qaadday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, waxayna dagaalkaas ku qabsadeen laba gaari oo kuwa ciidamada ah.”

Ugu dabeyn, weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalin ka hor ay xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadday Hotel Saxafi, kaasoo lagu dilay xubno ka tirsan dowladda Somalia, kuwo kalena lagu dhaawacay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya