4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2015
JEN. TUUR-YARE: Gaadiidka & Dadka Muqdisho soo galaya waa in Baaritaan Adag lagu Sameeyaa

/images/2014/dec/
Talaado, November 03, 2015 (HOL) — Taliyaha guud ee hay’adda nabad-sugida Qaranka, Somalia, Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare ayaa amar ku bixiyay in la baaro gaadiidka noocyadooda kala duwan ee soo galaya Muqdisho iyo kuwa ka baxaya intaba.


Jen. Tuur-yare oo booqday ciidamada dowladda Somalia ee ku sugan kontaroolka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa ku boorriyay ciidammada koontaroolkaas ku sugnaa inay baaris adag lagu sameeyaan gaadiidka iyo gaari dameerrada isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay gaadiidka sida khudaarta iyo caanaha Muqdisho kusoo wajahan.

“Waxaad baaritaan ku sameysaan gaadiidka soo galaya Muqdisho iyo kuwa ka baxaya, si loo hubiyo amniga. Waxaad kaloo baaritaanno ku sameysaan gaari-dameerrada, idinkoo baaraya wax walba oo ay wadaan,” ayuu yiri Jen. Tuuryare.

Sidoo kale, Jen. C/raxmaan Tuur-yare ayaa amar ku bixiyay in qofka Muqdisho soo galaya ee da’adoodu ka yar tahay 40-sano oo laga shakiyo la weydiiyo damiin ama inay aqoonsiyo wataab, taasoo uu sheegay inay qayb ka ah sugidda amniga caasimadda Soomaaliya.

Amarkan kasoo baxay taliska nabad-sugida Somalia ayaa saameyn ku yeelan kara ardayda wax bartashada u yimaada magaalada Muqdisho iyo dadka kale waaliddiintood ay ku nool yihiin deegaanada ka baxsan Muqdisho.

Dhanka kale, wuxuu amarkaan ku soo beegmayaa kaddib markii laba casho ka hor ay Al-shabaab weerar ku qaadday Hoteelka Saxafi oo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia, milkiilihii hoteelkaas iyo dad kale oo shacab ah.

Ugu dambeyn, wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa iyana horay u soo saartay amarro adag oo noocan oo kale ah, kuwaasoo lagu soo rogay shcabka soo galaya Muqdisho ee da’doodu ka yar tahay 40-ka sano; inkastoo aanay noqon kuwo ku u fula sidii loosoo saaray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya