4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2015
Obama oo sheegay in aysan ciidamo dagaalama u diri doonin Suuriya
Talaado, November 03, 2015 (HOL) —Madaxweeynaha Mareeykanka Barack Obama ayaa sheegay in dowladiisu aysan u diri doonin dalka Suuriya ciidamo la dagaalama kooxda ISIL balse go’aankoodu uu yahay in ay halkaasi geeyaan ciidamo fulin doona howlgallo gaar ah.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in ciidamada ay u dirayaan dalka Suuriya ay caawin doonaan kooxaha mucaaradka ee dagaalka kula jira kooxda ISIL.

“Ma geyn doonno ciidamadeena afaafka hore ee dagaalka si ay ula dagaalaan kooxda ISIL,” ayuu Obama hadalkiisii raaciyay.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in aysan dooneyn in ciidamo dagaalama ay wadankaasi geeyaan si lamid ah sidii ay u geeyeen dalka Iraq, taa oo uu sheegay in aysan xallin dhibaatadii ka jirtay dalkaasi.

War kasoo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in ciidamada loo dirayo dalkaasi ay howshoodu noqon doonto in ay tababar siiyaan, la taliyaan ayna caawiyaan kooxaha mucaaradka, tiro ahaanna ay ka yaraan doonaan 50.

Colaadaha ka jira dalka Suuriya ayaa daba dheeraaday, ayadoo dowladaha Ruushka iyo Iran ay ballaariyeen taageerada ay siinayaan madaxweeynaha Suuriya  Bashar Al-Asad, si uu ula dagaalamo kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.