4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
Maamulka Magaalada Buula-burte oo sheegay in ay dileen lix Xoogagga Al-shabaab ka Tirsan


Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Maamulka degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa maanta sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidanka dowladda ee ku sugan degmadaas lagu  dilay lix ka tirsan xoogagga Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Buula-burte Cabdicsiis Duuroow ayaa sheegay inay helleen xog ku saabsan in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ku sugan yihiin qeybo ka mid ah degmada iyo deegaannada ku dhaw kuwaa oo qorsheynayay falal ka dhan ah ammniga.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in howlgalkaa wax khasaare ah ka soo gaarin dhinaca ciidamada dowladda Soomaaliya.

Inkastoo ciidanka dowladda Somalia oo gacan militari ka helaya kuwa AMISOM gacanta ku hayaan guud ahaanba degmooyinka gobolka Hiiraan, ayaa haddana Al-shabaab waxaa ay koontaroolaan deegaanno ka tirsan gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya