4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
SAWIRRO: Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo Maanta si Rasmi ula Wareegay Xilka


Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta xilka kala wareegay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen [Muun-gaab].

Munaasabad xill-wareejin ah oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia, kuwa maamulka gobolka Banaadir, kuwaasoo halkaas kasoo jeediyay khudbado kala duwan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, C/raxmaan Odawaa ayaa ku ammaanay guddoomiyihii hore waxqabadkiisii, wuxuuna xafladda ka sheegay in dimuquraadiyadu ay tahay in qof uu qof kale xilka ku wareejiyo isagoo walaalkii u ogol xilka loo magacaabay.

Duqii hore ee gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa ka hadlay wixii u qabsoomay maamulkiisa, wuxuuna ku wareejiyay guddoomiyaha cusub, lacago bangiga dhexe ku jirta, gaar ahaan akoonka gobolka Banaadir oo gaareysay 200,000 oo doollar iyo lacag shiling Soomaali ah oo dhan 2-bilyan.

Xasan Muun-gaab ayaa u mahad-celiyay madaxda dowladda Somalia iyo mas’uuliyiintii la soo shaqeeyay, gaar ahaan guddiga xallinta khilaafaadyada dhulalka, kuwaasoo uu sheegay inay qabteen howlo badan.

“Waxaa maanta ku faraxsanahay in madaxweynuhu xilkan ii dhiibay oo aan 20-bil kusoo shaqeeyay, waxaan kaloo ku faraxsanahay in xilkan aan ku wareejiyo walaakey Yuusuf, waxaa noqon doonaa oday duco la garab-istaaga maamulka iyo guddoomiyaha cusub,” ayuu yiri Muun-gaab.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo isagana khudbada ka jeediyay xafladda ayaa ka mahad-celiyay sida wanaagsan loosoo dhaweeyay, isagoo ka sheegay goobta inuu bogaadinayo howlihii ay maamulkii ka horreeyay qabteen.

“Aniga gaari xabbadaha aanay karin la igu qaadi doono, Cabdi-bile hubeysanna magaalada kuma dhex-mari doono, cid walbana waan la joogayaa, shacabka intii ay gacanteyda gaarto ma ahane inta kale qalbigeyga ayaa gaari doonta,” ayuu yiri duqa cusub ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, guddoomiyihii hore gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha cusub ayaa kala saxiixday dukumiinti muujinaya xil-wareejinta, waxaana goob-joog ka ahaa dukumiintigan la saxiixay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya