4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
JEN. DIINI: Dhega-badan wuxuu ahaa Muwaadin Xilli Adag u soo Shaqeeyay Dalkiisa (SAWIRRO)


Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Wasiirka difaaca Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini oo maanta ka qayb-galay aaska abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Somalia marxuum Jen. C/kariin Yuusuf Aaden (Dhega-badan) oo gelinkii dambe ee Isniinta maanta ah lagu aasay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Jen. Dhega-badan uu ahaa wadani geesi ah oo dalkiisa u soo shaqeeyay iyadoo xili adag lagu jiro.

Jen. Dhega-badan ayaa ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee dagaalka adag la galay Al-shabaab, kuwaasoo xoogagga Al-shabaab looga saaray deegaanno badan oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.

“ALLE samir iyo iimaan ha naga siiyo, marxuum Dhega-badan oo ahaa geesi waqti badan galiyay la-dagaallanka Al-shabaab iyo sidii waddanka looga xoreyn lahaa kooxdaas,” ayuu yiri Jen. Diini.

Wasiirka difaaca Somalia oo sii hadlayay ayaa yiri. “Jen. Dhaga-badan wuxuu xilli adag uu hoggaamiyay ciidamada, xiligaasoo an isla shaqayn jirnay, waxaanan ku xusuusan doonnaa geesinimadiisii, naf-huridiisii, wadaninimadiisii iyo weliba daacadnimadiisii.”

Sidoo kale, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa xilligii uu Jen. C/kariin C/kariin Dhega-badan uu ahaa abaanduulaha ciidamada xoogga Somalia, wuxuu ahaa taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka Somalia, inkastoo sannadkan loo magacaabay wasiirka wasaarada difaaca ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan ayaa wuxuu ka mid ahaa 15 ruux oo weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday shalay Hoteel Saxafi lagu dilay, iyadoo Muqdisho lagula tukaday salaaddii jinaasada, markaas kaddibna loo duuliyay Xeraale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya