4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
DAAWO: Gabadhii Soomaalida ahayd ee Nauru lagu Kufsaday oo dib loogu celiyay Australia

Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Gabadhii Soomaaliyeed ee kufsiga foosha xun loogu geystay Jasiiradda Nauru ayaa dib loogu celiyay dalka Australia, kaddib markii ay dibad-baxyo waaweyn ka dhaceen todobaadkii hore magaalooyinka waaweyn ee dalka Australia, kuwaasoo looga horjeeday go’aan ay dowladda Australia dib ugu celisay gabadhan oo lagu magacaabo Abyan Jasiiraddii lagu kufsaday.

Dibad-baxayaasha ayaa ka dalbanayay dowladda Australia in Abyan dib loogu soo celiso Australia si loo caawiyo. iyadoo Abyan lagu kufsaday Jasiiradda Nauru bishii July, 2015-ka, halkaasoo ah goob ay dowladda Australia ku hayso qoxootiga dalkeeda soo gala, inta ay go'aan ka gaarayso codsiyaa ay magan-galyada ku dalbanayaan.

Abyan oo 23-jir ah ayaa leh uur bilooyin ah oo ay ku qaadday kufsigii loo geystay ayaa ka dalbaday Australia in la caawiyo si ilmaha looga soo rido, laakiin xukuumadda Melbourne ayaa dib ugu celisay Jasiiradda Nauru markii la geeyay dalka Australia si loo caawiyo.

HADDABA; Daawo Filim ku Saabsan ABYAN oo dib loogu celiyay Dalka Australia;


Ibraahim Baafo, Hiiaan Onilne
[email protected]
Melbourne, Australia