4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
Madaxda duulimaadyada Ruushka oo sheegay in diyaaraddoodu aysan cilad u dhicin (SAWIRRO)


Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Saraakiisha shirkadda duulimaadyada dalka Ruushka ayaa sheegay maanta in diyaaraddii Ruushku lahaa ee Sabtidii ku dhacday gacanka Siinaay ee dalka Masar, ayaa sheegay in diyaaraddoodu aysan u dhicin cillad farsamo ama khalad ka yimid duuliyaha, iyagoo xusay inay arrimo kale u dhacday.

Kooxda Islaamiga ah ee ISIS ayaa sheegatay isla maalintii ay diyaaraddan oo ay la socdeen 224-qof oo Ruushan u badan ay iyagu soo rideen, iyadoo agaasime ku xigeenka shirkadda duulimaadyada dalka Ruushka, Alexander Smirnov  ayaa ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray inaan la oran karin cillad ay diyaaraddu u dhacday.

Afhayeenka madaxweynaha Ruushka, Dmitri Peskov ayaa isaguna sheegay inaan lagu deg-degin erayada ah in diyaaradda lasoo riday, lana sameeyo dulqaad aad u weyn inta ay soo baxayso natiijada baaritaanka shilka diyaaradda, wuxuuna madaxweynaha Ruushka uu ku tilmaamay shilkan diyaaradeed musiibo weyn.

“Diyaaraddu waxay ku duulaysay jawi aad u wanaagsan,” ayuu Smirnov wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Moscow, isagoo intaas ku daray. “Ma rumeysanin in diyaaraddu ay u dhacday cillad farsamo ama khalad ka yimid duuliyeyaasha diyaaradda.”

Sidoo kale, Smirnov ayaa hadalkiisa ku daray, in burburka diyaaraddan uusan ku imaan cillad dhanka shidaalka ah ama cillad dhanka matoorrada ah, laakiinse ay rumeysan yihin inay jirto sababo kale oo ay diyaaraddu u dhacday.

Xukuumadda Ruushka ayaa sheegtay inaan la oran karin in diyaaradooda ay soo rideen xoogagga Islaamiyiinta ah ee ku sugan Siinaay, laakiinse warar kale ayaa sheegaya in laga shaki qabo in xoogagga taabacsan ururka islaamiga ah ee ISIS ay gantaal la heleen diyaaradda oo ku duulaysay masaafo dhan 31,000 oo feet.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ruushka, Dmitry Medvedev ayaa isaguna ku baaqay in baaris dhameystiran lagu sameeyo sababtii ay diyaaraddu u dhacday, taasoo 224-kii ruux ee la socday ay dhammaantood ku geeriyoodeen.

“Guddi ayaa loo saaray baarista, hawshooda ugu weyna waa inay baaritaano ku sameeyaan sababta keentay inay diyaaraddu dhacdo,” ayuu Medvedev ku yiri warbixin uu warbaahinta dalka Ruushka siiya maanta.

Dhanka kale, saraakiil ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Masar ayaa iyaguna u sheegay warbaahinta dalka Ruushka in guddi ka kooban Ruush iyo Masaari ay baaris ku sameeyeen sanduuqa madow ee diyaaradda, ayna howshooda soo gaba-gabeyn doonaan Isniin maanta ah.

Ugu dambeyn, maydadka 144-qof oo ka mid ah rakaabkii diyaaradda burburtay la socday ayaa la gaarsiiyay maanta magaalada St. Petersburg ee wadanka Ruushka oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Ruushka, taasoo ahayd magaaladii ay diyaaradda dhacday ku socotay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya