4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
Askari ka tirsanaa Ciidanka Puntland oo Maanta Dilay Saddex Sarkaal oo ka Tirsanaa Ciidamada


Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Sarkaal ka tirsanaa ciidanka daraawiishta maamulka Puntland ayaa maanta toogasho ku dilay saddex sarkaal oo ciidanka daraawiishta Puntland ka tirsanaa, isagoo sidoo kalena dhaawacay saddex sarkaal oo kale oo iyaguna ka tirsanaa ciidamada Puntland.

Toogashadan ayaa waxay ka dhacday aaga buuraleyda Galgala ee Puntland, wuxuuna ahaa askariga dilka geystay sarkaal xigeen, isagoo falkan geystay xilli ay ciidamadu goob lagu shaaho ku sugnaayeen, waxaana isla goobta lagu toogtay askaritii falkaas geystay.

“Ciidamada oo shaah cabaya ayuu askarigan soo kacay, isagoo rasaas ku furay ciidamadii goobta ku sugnaa… waxaana dhintay sarkaal iyo laba sarkaal xigeen, iyadoo sidoo kalena ay dhaawacmeen sarkaal iyo laba sarkaal ku xigeen,” ayuu yiri abaaduulaha ciidamada daraawiishta Puntland ee aagga Galgala, Col. Shire Cumar Cali oo la hadlayay VOA-da isagoo ku sugan buuraha Galgala.

Sidoo kale, Col. Shire Cumar ayaa intaa ku daray in askariga dilka geystay uu damcay inuu cararo, balse ciidamadii kale ee aaggaas ku sugnaa ay rasaas ku fureen taasoo keentay inuu isaguna isla goobta ku geeriyoodo.

“Askariga toogashada geystay iyo askarta kale ee ku dhintay iyo kuwii dhaawucu kasoo gaaray ma jirin wax khilaaf ah oo dhex-yaallay, laakiin askarigan oo sarkaal xigeen ahaa madaxa ayuu ka xanuunsanaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Shire.

Ugu dambeyn, Isbitaalka guud ee Boosaaso ayaa la keenay aroornimadii saakay maydadka iyo dhaawacyada askarta, iyadoo falkan maanta ka dhacay Galgala uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ka dhaca aaggaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya