4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
Qiimaha shidaalka & sokorta Kismaayo oo Cirka isku shareeray iyo digniin loo diray Ganacsatada
Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Waxaa sare u kac baaxad leh laga dareemayaa qiimaha lakala siisto sokorta iyo shidaalka ee suuqyada magaalada Kismaayo, arintaa oo ka danbeeysay kadib markii ay istaageen doomihii ganacsi ee shixanadahaasi keeni jiray magaalada.

Sokorta oo kamid ah waxyaalaha aadka loo isticmaalo ayaa loorkii 50 Kg ah, waxa uu marayaa $50, halka markii hore uu ka ahaa $25, arintaa oo culeys ku noqotay dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka J/hoose.

C/llaahi Cabdi wuxuu ka mid yahay ganacsatada Kismaayo; waxaanan wax ka weeydiinay isbadalka ku yimid qiimaha lakala siisto sokorta iyo waxa sababay, waxa uu yiri, “Sokorta waa laga la’yahay magaalada, loorkii waxaan gadeeynay $50 laakiin hadda lama helayo sokor oo baqaarro yar ayay ku jirtaa waana la kiileeyaa.”

Dhinaca kale, shidaalka gaar ahaan Baaziinka oo isna kamid ah waxyaalaha aad loo isticmaalo ayaa laga la’yahay suuqyada magaalada Kismaayo, ayadoo tobankii litir ee Shidaalka uu marayo lacag dhan $20, arintaa oo saameyn ku yeelatay gaadiidleeyda iyo dadka isticmaala shidaalka.

Axmed Sahal Max’ed waxa uu kamid yahay ganacsatada iibisa shidaalka, mar ay HOL ka wareeysatay qiimo kororka ku yimid shidaalka iyo waxa sababay ayaa waxa uu yiri, “Baaziinka magaalada waa laga la’yahay, 10-kii litir oo aan xilliyadii hore gadi jirnay $10 hadda waxaa uu marayaa $20, waad dareemi kartaa isbadalka weyn ee ku yimid, waxaana keenay shidaalka oo laga la’yahay magaalada.”

Nin kamid ah wadeyaasha gaadiidka ka dhex shaqeeya magaalada Kismaayo oo ka gaabsaday in aan magaciisa xigto, oo aan kula kulmay mid kamid ah wadooyinka magaalada,  xilli uu la joogay gaarigiisa oo shidaalka uga goostay bartamaha magaalada  ayaa waxa uu igu yiri isaga oo careysan, “Gaariga hadda waxaan u waday geerish oo waan xareyn rabay, halkan ayuu shidaalka iiga goostay, magaalada gaari laguma wadan karo oo qiimaha shidaalka la gadayo waa mid waali ah, lacagta aan ka shaqeeyno xitaa ma gooyso shidaalka uu ku socdo”

Dhanka kale, wasiir kuxigeenka ganacsiga  iyo warshadaha Jubaland Xasan Isaaq Yacquub (Geescade), oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa digniin u diray ganacsatada reer Jubaland, isagoo sheegay in ganacsatadu ay baqaarro ku xirteen sokorta iyo shidaalka, ayna ku qaaliyeeynayaan bulshada, arintaa oo uu xusay in ayan aqbali doonin.

Wasiirka ayaa amar ku siiyay ciidamada nabadgelyada Kismaayo in ay dabagal ku sameeyaan ganacsatada shacabka ku qaaliyeeyneeysa maciishadaha, isagoo sheegay in aan la ogolaan doonin in baqaarro lagu xareeyo maciishadaha bulshadana lagu soo rogo dhaqaale lacageed oo ayan awoodi Karin.

“Dowlad waxaan ku nahay in aan shacabka u turno, hadii shacabii ay dhibaatoonayaan oo aan ka aamusno waa masuuliyad darro, maka ogolaan doonno ganacsatada culeyska ay saaarayaan bulshada,” ayuu wasiir Geescade hadalkiisii raaciyay.

Qiimo kororka ku yimid maciishadaha Sokorta iyo shidaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii ay istaageen doomihii ganacsi ee shixnadaha kala duwan keeni jiray magaalada Kismaayo, kuwaasoo ka cabsi qaba in ay saameeyaan duufaanno laba baqayo in ay ku dhuftaan badweynta Hindiya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya