4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2015
AMISOM oo Cambaareysay Weerarkii Maanta lala beegsaday Hoteelka Saxafi ee MUQDISHO


Axad, November 01, 2015 (HOL) — Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howl-gala [AMISOM] ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii saaka lagu qaaday Hoteelka Saxafi ee dhimashada badan dhaliyay, kaasoo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Weerarkan oo loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa si toos ah loogu dhuftay albaabka hore ee hoteelka, kaddibna waxaa gudaha u galay xoogag ka tirsan Al-shabaab, halkaasoo uu ka billowday dagaal muddo saacado ah socday.

“Innagu waxaan u aragnaa weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi ee lagu laayay shacabka aan waxba galabsan inuu ahaa mid ujeedo la’aan ah oo lagu doonayay in shacabka lagu laayo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed AMISOM kasoo baxay.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka AMISOM ayaa lagu sheegay inay madaxda guud ee howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay u dirayaan tacsi qoysaskii iyo ehelladii ay kaga baxeen weerarkan dadkii ay jeclaayeen.

“Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya waxay si dhaqo badan jawaab uga bixiyeen weerarkaas, iyagoo ugu dambeyn la wareegay amaanka Hoteel Saxafi,” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka AMISOM.

AMISOM ayaa waxay sidoo kale sheegeen inay sii wadayaan howlgallada ay dowladda FS ku caawinayaan, si looga hor-tago kuwa la midka ah weerarkaan argagaxiso ee Al-shabaab ay la beegsanayso shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, weerarkan ayaa lagu dilay 15-qof oo ay ku jireen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay in ka badan 30-ruux oo uu ku jiray sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada millateriga Somalia iyo dad kale oo shacab ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya