4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2015
BALADWEYNE: Dibadbax Magacaabida Guddiga Farsamada looga horjeedo oo Maalintii 2 Dhacay


Axad, November 01, 2015 (HOL) — Dibadbaxan oo ay soo qaban-qaabisay mid ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan ayaa hakad galiyay isku socodka gadiidka iyo weliba ganacsiga magaalada, waxayna dibadbaxayaashu ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah dowladda FS.

Dibadbaxa oo ahaa mid marka la eego muuqaal ahaan ka duwanaa kuwii horey uga dhici jiray magaalada ayaa ka qeyb-gallayaasha oo u badnaa dhalinyarro waxay siteen ulo iyo mindiyo iyo agab kale oo ay ka mid ahaayeen qalabka loo adeegsado dhismaha sida badeel iyo miinshaarta lagu gooyo Al-waaxda, taasoo ay malaha ku muujinayeen in ay yihiin dad muruq-maal ah.

Socod dheer oo ay ku soo mareen xaafaddaha magaalada kaddib ayay isugu soo urureen fagaaraha Daljirka Dahsoon halkaa oo ay dadweynaha kula hadlleen odayaal iyo waxgarad ka soo jeedda beesha dibadbaxa soo qaban-qaabisay.

Waxay sheegeen in siweyn loogu dul-miyay saami-qeybsiga guddiga farsamada dhismaha maamulka gobolada Hiiraan & Shabeellaha dhexe, sidaa darteed siyaasiyiinta, waxgaradka iyo bulshada ku nool gobolka ka wadda hadali doonaan tallaabada ay qaadayaan.

Ugu dambeyn, maalintii shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale uu dibadbax ka dhacay magaalada lagu cambaareeyay magacaabistii guddiga farsamada ee wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya