4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2015
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay Weerarkii ay Al-shabaab ku Qaaday Hotel Saxafi


Axad, November 01, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii saaka lagu qaadey Hoteel Saxafi, wuxuuna u diray tacsi ehellada iyo qoysaska ay ka baxeen dadkii lagu dilay weerarka oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay Al-shabaab.

“Subaxnimadii maanta Hoteel Saxafi waxaa weerar ku qaadey Al-shabaab. Sida muuqata kooxda waxaa si weyn u saaran culeys, iyagoo laga saarayo goobihii ay ku dhuumaaleysiga ku joogeen, taasoo ka dhalatay hawlgallada millateri ee sida wanaagsan u qorsheysan iyo guulaha ay ka gaareen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Sidaa awgeed Al-shabaab waa naf la caari doonaya inay magaalooyinkeenna dhibaatooyin ka abuuraan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Waxaan idiin xaqiijinayaa in falalkan aysan ahayn mid ka dhigan in Al-shabaab ay dib madaxa ula soo kaceyso; balse cagsigeeda, waxaa falkani uu tilmaamaya sida xaaladda quusta ah oo soo wajahday kooxda Al-shabaab, taasoo maalinba tan kasii dambeysa u sii kordheyso. Waxaa xaqiiqo ah in kala qaybsanaani ay dhexdooda ka jirto. Ma ahan kuwo war u haya waxay u taagan yihiin iyo cidda ay hoos yimaadaan, iyagoo maciin biday inay dilaan muslimiin aan waxba galabsan, doonayana inay kusoo baxaan bogagga hore ee wararka caalamka.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Qaranka ay hawl weyn qabteen, xaaladdana ay si buuxda ula wareegeen. “Ciidamadeena amniga ayaa xaaladda si buuxda gacanta ugu haya. Waxaa xigi doona oo la sameyn doono baaritaan qota-dheer oo lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen iyo sida loo sii horumarin karo sida ciidanka amniga ay uga jawaab celiyaan falalkan oo kale ah.”

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumiinta geeriyooday u duceeyay. “Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannada fardowsa ka waraabiyo inta dhimatay ee Al-shabaab ay laayeen. Sida ugu wanaagsan ee dadkaan naga baxay aan ku xusi karnaa waxaa weeyaan inaan dib u cusbooneysiino, isla markaana aan kordhino dadaalka aan ugu jirno inaan ka hortagno xagjirka inaanay si khaldan ugu baahin diinta Islaamka, iyagoo ujeeddadoodu uu yahay inay dadka marin habaabiyaan, burbur iyo xasuuqna u geystaan shacabka. Qaabka aan arrintaan uu wajahayno ayaa ah inaan si buuxda uga hortagno fikradaha khaldan ee la bedelay, isla markaana aan dib uga xoreyno meelaha ay ku harsan yihiin ee dalka Somalia,’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in amniga uu weli yahay muhimadda koowaad ee dalka. Isagoo yiri. “Muhimada koowaad ee dowladdeyda waa sare u qaadista kartida iyo awoodda adeegga amniga ee Soomaaliya, si aan meesha uga saarno kooxaha xagjirka, aana u ilaalino danaheenna Qaran, xasiloonina aan u horseedno Somalia, inagoo dhowreyna qaranimadeenna.”

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan oo ay sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa ku naf-waayay 15-qof oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladda federaalka Somalia ka tirsan; iyadoo ay ku dhaawacmeen soddomeeyo qof oo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya