4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 9 , 2015
URUR ay leeyihiin Ardayda reer Hiiraan ee Wax-ka-barta Muqdisho oo Guddoomiye Doortay


Sabti, May 09, 2015 (HOL) — Ururka Midowga iyo hormarinta Ardayda gobolka Banaadir wax-ka-barta ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku calleemo saareen Muqdisho guddoomiye cusub oo ay yeelanayaan Midowga Ardeyda.

Bashiir Axmed Kaliil oo loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Ururka Hiiraan Student Development Union [HISDU] ayaa sheegay in ururkan uu yahay mid u taagan midowgga iyo hormarinta ardeyda wax ka barta Jaamacadaha Muqdisho laakiin ka soo jeeda gobolka Hiiraan madaama ayuu yiri muhiimad gaar ah arrintan u leedahay ardeyda.

“Waxaan ku mideysan-nahay wax kale ma'aha waa siddii loo kobcin lahaa aqoonta, leysugu xiri lahaa ardeyda, loo gacan qaban lahaa kan mar walba taag-darran si aqoontu horay ugu sii socto'' ayuu yiri Bashiir Axmed Kaliil.

Ardeydii ka qeyb-gashay munaasabada calleemo saarka guddoomiyaha ayaa sheegtay in ay ka rajeynayaan ardeyda kale ee wax ka barata Jaamacadaha Muqdisho in ay sidan oo kale isku abaabulaan si marka dambe loo helo dalad balaaran oo ay ku mideysan yihiin ardeyda oo idil.

“Waxaa jira tiro badan oo arday ah oo wax kabarata Jaamacadaha gobolka Banaadir, balse ka yimid gobolka Hiiraan, sida daraadeed waxaa muuqata in dhismaha ururkan uu isku xirri doono ardeyda si markaa looga wadda hadllo hadba wixii qabado iyo hormar ah ee dhinaca waxbarashada ka jira'' ayuu yiri Bashiir Axmed Kaliil.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya