4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 9 , 2015
Hay’adda IOM oo Tababbar Shaqo Abuuris ah u soo Gaba-gabeysay Dhallinyaro Soomaaliyeed


Sabti, May 09, 2015 (HOL) — Hay’adda IOM ayaa soo Gunaanaday Tababar muddo 10-bilood ah socday oo ay ka faa'iideysteen 206-qof oo barakacayaal Soomaaliyeed ah oo la baray xirfado ay ku shaqeysan karaan, iyadoo tababarka la siiyay dhallinyaro.

Mashruucan tababarka ah ayaa waxaa fulisay Iskaashatada Waxbarashada reer miyiga iyo horumarinta beeraha ee READO, kaasoo soo billowday 01-dii bishii July 2014-kii, iyadoo ay maalgeliyeen hay’adaha dhanka bani’aadamnimada ka shaqeeya.

Tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalay dhallinyaro wiilal iyo gabdho isugu jira oo ka mid ah barakacayaasha Baydhabo iyo kuwa deegaanka, iyadoo lagu baray xirfado ay ka mid yihiin; faryaamada, harqaanka, ganacsiga yar-yar, fuundinimada iyo farsameynta dharka hiddaha iyo dhaqanka.

Xitaankii tababarkan waxaa ka Qayb-galay wasiirro ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed Somalia, hor-joogayaasha kaamamka ay barakacayaashu ku nool yihiin, Xubno ka tirsan Barakacayaasha, Bulshada Rayidka ah iyo xubno kale.

“Bulshada ku nool magaalada Baydhabo way ka faa’iideen tababarka, waayo dhallinyarada la baray Najaarnimada (Farmaayo) ayaa sameeyeen Kuraasta iyo Miisaska ay Isticmaalaan iskuullada ku yaalla degmada, sidoo kale waxay dayactir ku sameeyeen musqulaha xeryaha barakacayaasha,” ayuu yiri Madaxa IOM ee Baydhabo, C/llaahi C/qaadir Maxamed. Isagoo xusay in tababarkan uu u yahay mid lagu doonayay in dhallinyarada lagu baro xirfado ay ku shaqeystaan, wuxuuna dhallinyarada hubka sita ugu baaqay inay tababarrada noocan ah ka faa'iideystaan.

Hooyo 21-jir oo haysata laba ilmood kana mid ahayd dhallinyaradii tababarka la siiyay ayaa sheegtay inay tababarka ka faa’iidday waxyaabo badan oo ku saabsan abuurista ganacsiga iyo horumarintiisa, kuwaasoo aysan horay u aqoon.

“Runtii wax fudud ma ahan inaan labadeyda ilmood Xannaaneeyo anigoon aanan cidna ku tiirsanayn, balse xifadda aan Tababarkan ka Faa’iideystay waa mid ii Ogolaanaysa inaanan cidna ku tiirsanaan oo aan nolosheyda maareeyo,” ayay tiri hooyadan.

Caaqillada kala ah Deerow Yacquub Cali, Cali C/raxmaan Axmed iyo Yuusuf Cabdi oo ka tirsan waxgaradka gobollada Koonfur-galbeed Somalia ayaa uga mahadceliyay hay’adda IOM iyo READO tababarka ay siiyeen dhallinyarada ku nool Xeryaha Barakacayaasha ee Baydhabo. Iyadoo sidoo kale ay Tababbarka ka Mahad-celiyeen mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed Somalia.

Wasiirka waxbarashada Koonfur-galbeed, Saadaad Maxamed Nuur Caliyow oo xiritaanka tababarka hadal ka jeediyay ayaa ku boorriyay dhallinyaradii ka faa’iideystay inay adeeg-sadaan xirfadahooda si ay qayb uga qaataan dib u dhiska dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Abaaraha iyo colaadaha ka jira deegaanno ka tirsan Koonfurta Somalia ayaa ku qasbay dad badan inay deegaanadoodii kasoo barakacaan dhowrkii sano ee aan soo dhaafnay. Iyadoo Barakacayaasha ku nool Baydhabo ay intooda badan ka yimaadeen Degmooyin ka Tirsan Gobolka Bakool.

Ugu dambeyn, Tan iyo Bishii Maarso ee Sannadkii 2014-kii oo ay Ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-shabaab ka billowdeen Koonfurta Soomaaliya, waxaa deegaannadoodii kasoo barakacay kumannaan qof, kuwaasoo Qaarkood soo dagay xarunta gobolka Bay ee Baydhabo, Waxaana Tirada guud ee Barakacayaasha ku nool Baydhabo ay haatan gaarayaan 51,294 Qof oo ka kooban 8,549-Qoys.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya