4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 9 , 2015
SAWIRRO: Wafdi Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin ah oo Maanta Gaaray Magaalada Beledweyne


Sabti, May 09, 2015 (HOL) — Xubno isugu jira xildhibaanno iyo siyaasiyiin uu xildhibaan Daahir Xasan Cabdi hoggaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xildhibaannada maanta soo gaaray Beledweyne ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan Nuur Iidoow Beylle, Xildhibaan Max'uud Max'ed Guure,Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, Xildhibaan Max'ed Cumar Macaloow, iyo Xildhibaan C/qaadir Sheekh Xanafi iyo xubno kale.

Wafdiga ayaa markiiba gaaray madasha uu ka soconayo shirka dib-u-hishiisiinta beelaha dega gobolka Hiiraan oo maalmihii ugu danbeeyayba ka socday magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Daahir Xasan oo wafdiga hoggaaminayay ayaa xildhibaannadan hor dhac u yihiin wafdi heer sare ah oo maalmaha soo socda lagu waddo in ay soo gaaraan Beledweyne si ay uga qeyb-gallaan shirka.

Xildhibaan Nuur Iidoow Beylle oo la hadllay HOL ayaa sheegay in ujeedada socdaalkooda Beledweyne uu yahay in ay xoojiyaan shirka dib-u-hishiisiinta islamarkaana taageero u muujiyaan, madaama ayuu yiri shirka uu taageeray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waad og-tihiin madaxweynaha Somalia ayaa ka hadllay shirka oo sheegay in uu yahay shir sharci ah oo ay dowladdu og-tahay, waxaan uu qorshuhu yahay maalmaha soo socda in ay soo gaaraan magaalada wafdi ka socda xukuumadda,” ayuu yiri Nuur Iidoow Beylle.

Wajiga hore ee shirka ayuu ku tilmaamay in uu yahay mid dib-u-hishiisiin ah, isaga oo intaa ku darray in tallaada xigta ee looga sii gudbayo go'aan ka gaari doonaan bulshada reer Hiiraan iyo ergada ka qeyb-qaadaneysa shirka.

“Shirka hadda socda waa mid dib-u-hishiisiin ah marka uu soo dhamaado tallaada xigta waxaa go'aan ka gaari doona bulshada gobolka ku dhaqan iyo ergada shirka hadda ka qeyb-qaadaneysa, laakiin muhiimadu waxay tahay in dadku wadda hadllaan kana arrimiyaan mustaqbalkooda siyaasadeed,” ayuu yiri xildhibaan Nuur.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Seekh Max'uud ayaa mar uu ka hadllayay aragtidiisa shirka ka socda Beledweyne wuxuu sheegay in uu yahay shir dib-u-hishiisiin ah oo ay dowladdu og-tahay, isaga oo intaa ku darray in ay ku taageerayaan guddiga iyo odayaasha shirka ka qeyb-gallaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya