4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 9 , 2015
Madaxweynaha Somalia oo Sheegay in Gobolka Banaadir aan Lagu Daraynin Maamul-goboleed


Sabti, May 09, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Gobolka Banaadir aan lagu darin doonin wax maamul goboleed ah, xilli ay soo baxayeen maalmahan warar sheegaya in Gobolka Banaadir lagu darayo maamul mideysan oo loo sameynayo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka ku nool Gobolka Banaadir laga rabo inay dowladda Somalia ula yimaadaan qorshe cad oo ku aadan sida uu maqaamka uu yeelanayo Gobolka Banaadir.

"Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe waa la isku-darayaa, siyaasadda dowladduna waa in labadaas gobol ay noqdaan maamul-goboleed ka mid ah kuwa Soomaaliya ka jira. Gobolka Banaadir labo arrimood ayaa la isku haystaa oo shacabka Muqdisho iyagaa laga doonayaa inay mowqif iyo go’aan cad ka qaataan arrimahaas. Dowladda haddii markii hore ay wareegto ku sameyn jirtay, hadda xilligaas waa soo dhamaaday maantana talada waa shacabka mid ka imaanaysa; dowladduna way fududeyneysaa.’” ayuu madaxweynaha Somalia ku yiri hadalkiisa.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa xusay in Gobolka Banaadir uu yahay caasimadda dalka sida ku qoran dastuurka federaalka Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in shacabka ay dowladda ula yimaadaan qorshe cad oo ku aaddan waxa ay doonayaan.

Maalmayan ayaa waxaa jiray hadallo fara badan oo is-barbar socda kuwaa oo ku saabsan in magaalada Muqdisho oo  ah caasimadda Somalia lagu daro maamul-goboleedyada dalka laga dhisayo iyo inaan lagu darin.

Ugu dambeyn, Hadalka madaxweyne Xasan Sheekha ayaa wuxuu meesha ka saarayaa shakigii laga qabay in Gobolka Banaadir la raaciyo maamulka loo dhisaayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya