4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 9 , 2015
Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada dilka Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka Puntland


Sabti, May 09, 2015 (HOL) — Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkii Xildhibaan, Siciid Xuseen Nuur oo ka tirsanaa baarlmaanka Puntland, kaasoo ay kooxo hubeysan xalay ku toogteen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

War-saxaafadeed ay soo saartay Al-shabaab ayay ku sheegay inay dilkaas iyagu mas’uul ka ahaayeen, ayna sii wadi doonaan ugaarsiga ay ku hayaan xildhibaannada ka mid ah golaha baarlamaanka maamul-goboleedka Puntland.

Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur ayay kooxo hubeysan oo Al-shabaab ka mid ah toogteen xalay, kaddib markii uu kasoo baxay masjid uu salaaddii Maqrib kusoo tukaday, iyadoo lala dilay mid ka mid ah ilaaladiisa.

“Ciidamadeenna gaarka ah ayaa fuliyay dilka xildhibaanka Puntland ka tirsan loogu geystay Waqooyiga Gaalkacyo. Weerarrada noocan oo kale ahna waan sii wadaynaa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay Al-shabaab soo saartay.

Sidoo kale, xildhibaanka oo khudbad ka jeediyay masjidka ayaa la sheegay inuu shacabka ku nool degmada Gaalkacyo ka dalbaday inay si wadajir ah uga hortagaan kuwa dhibaa-tooyinka kawada degmadooda.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/kariin C/llaahi Xaaji Camey oo isna ka hadlay dilka xildhibaanka ayaa sheegay inay ka dambeysay Al-shabaab ayna kula xisaabtami doonaan dilka ay xildhibaanka Puntland u geysteen.

“Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay, waxaa socda baaritaanno, waxaana dilkaas ka dambeeyay Dableey ka tirsan Al-shabaab Sharciga ayaana hor-keenaynaa,” ayuu yiri Cameey.

Siciid Xuseen ayaa noqonaya xildhibaankii labaad oo ka tisran baarlamaanka Puntland oo la dilo muddo bil gudaheed ah, iyadoo bsihii lasoo dhaafay lagu dilay Muqdisho xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen oo xildhibaanada Puntland ka tirsanaa. kaasoo ay dilkiisa Al-shabaab sheegatay.

Al-shabaab ayaa saldhig ku leh Deegaannada Puntland, iyadoo tan iyo Sannadkii 2010-kii dagaallo kula jirtay xukuumadda Puntland oo qayb ka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya, inkastoo madaxda Puntland ay dhawaan sheegeen inay gabi ahaan saldhigyadii Al-shabaab qabsadeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya