4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 9 , 2015
RW Somalia oo Maanta Barlamaanka ka Hor-jeediyay Barnaamijka Xukuumadiisa SAWIRRO)


Sabti, May 09, 2015 (HOL) — Ra'iisul Wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali oo ay wehliyaan ra'iisul wasaare ku-xigeenkisa iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa maanta Hor-tagay Golaha Baarlamaanka si uu uga Hor-jeediyo Barnaamijka Xukuumadda, isagoo faahfaahin ka bixiyay Qorshayaasha horyaala Xukuumaddiisa.

Sharma’arke ayaa xusay in arrimaha amniga ay xukuumadiisa mudnaanta koowaad siisay, isagoo intaas ku daray in Xukuumaddu diyaarsay Dadaallo wax looga Qabanayo Amniga, kaasoo ay iska-kaashanayaan shacabka iyo dowladda.

"Amnigu waa ahamiydda koowbaad ee xukuumadda; haddii uusan amaan jirin, dowladnimo ma jiri karto. Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, cadowga Al-shabaab waxay muujiyeen ficilo waxashnimo ah, iyagoo laba jibaaray gumaadka shacabka Soomaaliyeed. Waxaa socda tababar ay qaadanayaan ciidammo kumaandoos ah kuwaasoo ka howlgali doona goobaha codowgu kaga sugan yihiin dalka. Tababarka iyo taakuleynta ciidankaas waxaan iska kaashanaya dowladda iyo saaxiibadeena caalamka," ayuu yiri RW Cumar.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyay waxayaabihii xukuumadda u qabsoomay qabsoomay dhanka fadaraaleynta dalka iyo dhisida maamul-goboleedyada dalka.

"Federaaleynta dalka, waxaan ku farax-sanahay inuu furmay, isla markaana si habsami leh u socdo shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe. Kaas oo magaalada Cadaado ka furmay 16-kii Abriil, waxaa haatan heer gabogabo ah maraya xulista odayaasha dhaqanka ee beelaha, kuwaasoo iyana soo xuli doona ergo ansixisa dastuurka maamulkaas, kaddibna xildhibaannada soo xuli doona, kuwaasoo kaddibna dooran doona guddoon, madaxweyne iyo ku xigeenno," ayuu hadalkiisa raaciyay Sharma’arke.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in kulankii Golaha Wasiirrada ee dhacay 07-dii May, 2015-kii ay ansixiyeen saddex guddi oo udub-dhexaad u ah xaqiijinta Hiigsiga 2016-ka, waxaana gudiyadaas ka mid ahaa Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka, gudigaasoo looga fadhiyo inuu dalka u diyaariyo hannaan doorasho sannadka soo socda. Isagoo Baarlamaanka ka codsaday inay guddiyada madaxa-bannaan si dhaqso ah u ansixiyaan, si waajibaadkooda shaqo ay durbadiiba u guda-galaan.

Dhanka kale, ra'iiusl wasaaraha ayaa sheegay in qabyo tirka dastuurka uu ka mid yahay waajibaadyada ugu waaweyn ee horyaalla xukuumadda iyo Golaha Shacabka. "Si aan u Xaqiijinno Waajibkaan, Waxaan Sameynnay Wasaaradda Dastuurka oo mas’uuliyadeeda koowaad ay tahay inay hoggaamiso sameynta dastuur dhameystiran oo dadka Soomaaliyeed heshiis ku wada yihiin.”

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Wasaaradda oo garowsan culeyska waajibaadka horyaalla ayaa is-afgarad saddex-geesood ah la saxiixatay guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgalinta dastuurka iyo guddiga baarlamaanka ee dib-eegista dastuurka. Is-afgaradkaas wuxuu saldhig u noqonayaa wada-shaqeyn dhex-marta saddexda hay’adood oo dhamaantood ka shaqeeya qabyo-tirka Dastuurka."

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Golaha Shacabka inay dadajiyaan ansixinta shuruucda hortaalla iyo Gudiyada Madaxa-bannaan oo xukuumaddu hadda dhistay, si dalkan loo gaarsiiyo inay ka dhacdo doorasho marka la gaaro bisha September sannadkan 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya