4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 9 , 2015
Xisbiga WADDANI oo Qaadacay Go’aankii ay soo jeediyeen Guurtida iyo Labada Xisbi ee Kale


Sabti, May 09, 2015 (HOL) — Kulan ay saddexda xisbi iyo guddida golaha Guurtidda u xil-saartay ka soo tallobixinta mudd kordhinta ku lahaayeen golaha Guurtidda ayaa gabi ahaan uu qaadacay xisbiga mucaaradka ah ee WADANI, kaas oo aan ka soo Qayb-galin kulankii heshiishka lagu kala saxeexanayey.

Labadda xisbi ee UCID iyo KULMIYE ayaa iyagu saxeexay go’aanka ay guurtiddu soo jeedisay oo ah in doorashadda la qabto November 15-keedda,2016, halka ay ka ahayd in bisha June,2016 doorashaddu dhacdo, haseyeeshee xisbiga WADANI ayaa isagu aan saxeexin heshiishkaasi.

Golaha Guurtidda ayaa soo jeediyey in doorashadda la qabto November 15,2015, iyadoo shan bilood ku daray wakhtigii komishanka doorashooyinku soo jeediyeen, waxaanay hore guddida doorashooyinku sheegeen inay doorashadda qabanayaan kowda june, 2016.

Waraaqda ay soo saareen golaha Guurtidda ee ay maanta doonayeen inay ka saxeexaan saddexda xisbi qaran balse aanu xisbiga WADANI saxeexin waxay u qornayd:

Heshiishka ay gaadheen saddexda xisbi Qaran:.

Saddexda xisbi qaran ee kulmiye, UCID, iyo WADANI, waxay madaaxdoodu yeesheen kulamo bisha May 5,2015 iyo May 7-da,2015, waxaanay ka doodeen xaaladda dib u dhaca doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha Wakiiladda. Saddexda xisbi qaran, iyagoo tixgalinaya duruufaha ku xeeran qaranka Somaliland iyo in lagaga gudbo marxaladan midnimo iyo wada jirka Somaliland.

Waxay saddexda xisbi qaran ku heshiiyeen:

• In doorashadda madaxtooyadda la qabto November 15,2016. Sidaa darteed waxaa aanu golaha Guurtidda si wada jir ah ugu soo gudbinaynaa, inay fuliyaan heshiishkaa saddex saddexda xisbi qaran.”

Hase yeeshee, heshiishkaasi waxa saxeexay oo qudha xisbiga UCID iyo kulmiye, halka uu xisbiga WADANI ka qaadacay, isla markaana sheegay in aanu marnaba aqballi doonin wakhti ka duwan tii gudida doorashooyinku hore u shaaciyeen.

Guddoomiyaha xisbiga WADANI C/raxmaan CIrro ayaa sheegay in xisbigoodu waayey kalsooni uu ku saxeexo heshiishkaasi, maadama kulanka wax lagu kala saxeexanayo ka maqantahay xukuumaddu.

“Waxaanu is-waydiinay in talo-qaran oo sadexda Xisbi iyo xukuumaddu ku midaysan yihiin in la helo, heshiishku wuxu ku imanayey marka aanu helno kalsoonid golaha Guurtidda, waxaanu ku heshiinay in waxaan aanu ku wada hadalnay in madaxweynaha, xisbiydda qaranka iyo shirgudoonka Guurtiddu iskaga yimaadaan oo ay iska arkaan taasi may suurogalin”ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga WADANI Cirro.

Waxaanu intaas ku daray. “Waxaan shalay u tagay gudoomiyaha golaha guurtida, waxaanu ka codsanay in wixii aanu isla garano inuu fulinayo iyo in kale, Guddoomiyuhu wuxuu yidhi taladda waxa xaq u leh golle waxaana geenayaa golaha, marka noomay muuqan kalsooni loogu guuro muddo ka badan intii guddida doorashooyinku soo jeediyeen ee kowda bisha June, sidaa daraadeed ayey noogu muuqatay in wakhtigiii doorashadda ee ay cayimeen guddida Doorashooyinka ee shacabka, beesha caalamka iyo xisbiyaddu ku midaysnaa aanan ka guuri Karin waxaanu xisbiga mawqifkiisu yahay in kowda june doorashaddu dhacdo”.

Guddoomiyuhu wuxuu shegay in marka heshiishkaasi kalsoonidiisa la helo uun heshiish loo dhan yahay noqon karo, Laakiinse mar Haddii aanay Kalsooni buuxda ka haysan Golaha Guurtida iyo xukuumadaba aanay heshiish noqon Karin.

Hase yeeshee, xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa sheegay inay soo jeedintaasi guurtidda ku qanacsan yihiin, isla markaana duruufo jira awgeed u aqbaleen in muddo shan bilood ah ku daraan wakhtigii ay cayimeen guddida Doorashooyinka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland