4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 9 , 2015
Taliyeyaasha Cusub ee Booliiska iyo Asluubta Somalia oo Maanta la Dhaariyay (SAWIRRO)


Sabti, May 09, 2015 (HOL) — Taliyeyaasha cusub ee ciidamada Booliiska iyo Asluubta Somalia, Jen. Maxamed Sh. Xasan Xaamud iyo Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) ayaa maanta lagu dhaariyay Muqdisho, kaddib markii loo magacabay xilalkan toddobaadkii hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta waxaa hortiisa lagu dhaariyey taliyeyaasha cusub, isagoo hadal uu u jeediyay kulan dardaarmay inay laba-laabaan howlihii wanaagsanaa ee ay horay u qabteen taliyeyaashii ka horreeyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Avv. C/llaahi Caydiid Ilko-xanaf ayaa dhaarliyay labada taliye, iyagoo sidoo kalena goobta la sheegay inay la wareegayaan isla maanta xilalka loo magacaabay.

“Waxaan idin kugu hambalyeynayaa xilalka cusub ee la idiin magacaabay, waxaana idin kula dardaarmayaa inaad sii labanlaabaan howlihii fiicnaa ee ay horay u soo qabteen taliyeyaashii idinka horreeyay, aadna la timaadaan qorshe amniga dalka lagu xoojinayo,” ayuu madaxweyne Xasan ka sheegay xafladda lagu dhaarinayay taliyeyaasha cusub.

Munaasabadda dhaarinta taliyeyaasha booliiska iyo asluubta Somalia waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Cadaaladda, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Wasiirka Amniga, C/risaaq Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyaha cusub ee Booliiska Soomaaliya, Jen. Maxamed Xaamud ayaa horay u soo ahaa wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, sidoo kalena Jen. Bashiir Goobbe oo horay u soo ahaa taliyaha Nabad-sugidda Qaranka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya