4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 9 , 2015
Mid ka mid ah Beelaha Dega Gobollada Dhexe oo taageertay Shirka ka socda Cadaado (SAWIRRO)


Sabti, May 09, 2015 (HOL) — Kulan ay Muqdisho ku yeesheen odayaasha, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka beelaha ka mid ah kuwa dega gobollada dhexe ayaa taageeray shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee Somalia, kaasoo ka socda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Odayaasha beeshan oo degta degmooyinka Ceeldheer, Xarardheere, Gal-cad iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Galguduud ayaa beeniyay in aysan ku qanacsanayn guddiga farsamada oo dhawaan la sheegay.

Sidoo kale, waxgaradka ayaa inay ku qanacsan yihiin ergooyinka loo xulay inay shirka uga qaybgalaan, ayna arrintan uga dambeeyaan Caaqil Maxamed Cabdi Shido.

Ugu dambeyn, waxay ugu baaqeen cidii ka tirsan beesha ee cabasho qabta in wada-hadal ay diyaar u noqdaan, balse aan loo baahnayn waqtigaan in maamul shacabka gobollada dhexe ku mideysan yihiin laga hor-yimaado; taasoo ay ku tilmaameen mid aan u adeegeynin danta guud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya