4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2015
XASAN SHEEKH: Raalli-gelin ayaan ka bixinayaa Dhibaatooyinkii lagu Geystay Magaca Dowladda (DHAGEYSO)


Jimco, May 08, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay maanta in wixii Soomaaliya ka hallaabay iyo wixii u qabsoomay ay yihiin kuwo ay Soomaalidu mas’uul ka yihiin, loona baahan yahay maanta in wax la qabsado, maadaama marxalado badan uu dalku soo maray.

Xasan Sheekh oo ka qaybgalay barnaamij ka baxayay Radio Muqdisho oo ku Hadla Afka dowladda Somalia ayaa sheegay in Somalia ay tan iyo sannadkii 1991-kii ay dhibaatooyin kala duwan kusoo jirtay, balse haatan xaaladdu ay soo wanaagsanaanayso.

“Somalia waxay sannadkii 1991-kii gashay colaado sokeeye oo dhibaatooyin badan reebay, tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan iyo dowlado KMG ah, laakiinse Wixii ka dambeyay Sannadkii 2000 waxaa Dalka ka jiray dowlado is-xiga oo KMG ah, wuxuuna ka baxay sannadkii 2012-kii. Waxaase jira inaan u nimid howlo fara badan oo xilligii KMG-nimada lagu jiray aan la qaban,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray inaysan doonayn inay dadka rajo aan run ahayn oo been ah aan gelinno, laakiinse waxaan u Sheegaynaa buu yiri inay Xaaladda dalku ay soo hagaagayo maalinta maalinta ka dambeysa.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed maanta u sheegayaa in dowladnimada ku dhow nahay; balse caqabado ayaa jira, dhaqaale ma jiro, ammaanku boqol-boqol ma ahan, dhammaan adeegyadii bulshada way burbureen, kuwaasoo isugu jira kuwo dagaalladii sokeeye ku burburay iyo kuwo gabo iyo dayactir la’aan u burburay,” ayuu yiri hadalkiisa ku yiri Xasan Sheekh. Isagoo intaas ku daray inay la socdaan halka ay ka leexanayaan iyo halka ay godadku ku yaallaan, dalkuna uu haatan meel wanaagsan marayo.

DHAGEYSO: Hadalka uu Jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa xusay inay shacabka Soomaaliyeed dib u xusuusanayaan weli wixii shalay dhacay, isagoo sheegay in isagoo maanta ka faa’iideysanaya fursadda uu haysto uu doonayo inuu shacabka u sheego in wixii shalay dhacay ay iyagu mas’uul ka yihiin, waxa maanta la gaarayana ay iyagu mas’uul ka yihiin.

“Maanta waxaan doonayaa inaan shacabka iraahdo anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya in qof walba oo Soomalai ah oo lagu dhibay magaca dowladda, ha ahaato wixii ka horreeyay sannadkii 1991 ama ka dambeeyay inaan uga cudur-daarto wixii ku gaaray magaca dowladda,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Waxaan hadda ka shaqeynaynaa in aan helno Dowlad aan dadka Soomaaliyeed dhibaato u geysan shacabkeeda, waxaana shacabka leeyahay raalli ka ahaada wixii magaca dowladda idin ku soo gaaray. haddii ay ahaan lahayd tii ka horreysay 1991-kii, kuwii KMG-ka ahaa ee dalka soo maray iyo tan aan anigu madaxda ka ahayn.”

Xasan Sheekh wuxuu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed oo dha inay meel iska dhigaan wixii horay u dhacay, loona jeesto dowladnimada dalka sidii loo dhisi lahaa. Waana sax in gocasho ay timaaddo, balse waxaase loo baahan yahay in gocashadaas laga gudbo oo laga shaqeeyo si aanay jiilka soo socda ug dhicin wixii shalay nagu dhacay oo kale.

“Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego in maanta aan horay u socon karno, haddii ay shalay wax naga hallaabeenn innagaa mas’uul ka ah, haddii ay maanta wax noo samaanayaanna innagoo uun baa sameysan karna. Caalamku wuu na kaalmeyn karaan, balse dowladnimo nooma keeni karaan, nabadna nooma keeni karaan. Soomaalidu waa in ay isku tashato oo ay la yimaadaan dowladnimo. Waayo marar badan ayaa la i yiri Somalia wax ha qabsato si aan u caawinno. marka dunida waa inaan ku qancinno inaan wax qabsan karno,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa sheegay in la gaari karo meesha 2016-ka loo socdo, waxaana anigu ku kalsoonahay inaan gaari karno dowladnimo iyo inaan dalkeenna dhisan karno, waana kari karnaa, waayo horay ayaanu u aragnay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya