4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2015
XISBIGA Conservative-ka oo ku Guuleystay Doorashooyinkii Shalay ka dhacay Dalka Britain


Jimco, May 08, 2015 (HOL) — Xisbiga Muxaafadka ah ee Conservative-ka Dalka Britain ayaa ku guuleystay aqlabiyad doorashada guud ee ka dhacday waddanka Britian shalay oo Khamiis ahayd, iyadoo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ay xilalka iska casileen kaddib markii ay lumiyeen kuraas badan.

Raiisul wasaaraha waddanka Britain, David Cameron ayaa shan sano oo kale xilka sii hayn doona, iyadoo xisbigiisa uu ku guuleystay kuraas badan oo aan horay loo filayn.

Cameron ayaa u sheegay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa in guushan ay tahay tii ugu wanaagsanayd oo muddo dheer soo marta xisbigooda, kaasoo Britain xukumi doona shan sano oo kale.

Sidoo kale, Cameron ayaa dib ugu laabtay xafiiska ra'iisul wasaaraha, isagoo ka fikiraya in uu soo dhiso xukuumad cusub, iyadoo xisbiga ugu weyn mucaaradka UK ee Labour ayaa lumiyay kuraas badan oo uu horay u heli jiray, gaar ahaan Scotland oo ay wada qaateen xisbiga SNP.

Natiijada soo baxday ayaa lagu sheegay in xisbiga muxaafadka ah ee Conservatives-ka ee hoggaaminaya UK uu helay 36.9%, xisbiga Shaqaalaha ee Labour ayaa isna helay 30.5%, xisbiga UKIP ayaa helay 12.6%, xisbiga Liberal Democrats ayaa helay 7.8%, Xisbiga SNP ayaa helay 4.7%, xisbiga Green Party ayaa helay 3.8%, iyadoo xisbiga Plaid Cymru uu isna helay 1%.

Hoggaamiyaha Xisbiga shaqaalaha UK, Ed Miliband ayaa is-casilay kaddib markii xisbigiisu uu ku guuleysan waayay doorashadii shalay ka dhacday  UK, taasoo sababtay inuu kuraas badan lumiyay.

Waxaa kaloo is-casilay Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Liberal Democrats, Nick Clegg iyo UKIP Nigel Farage. Iyadoo la sheegay in is-casilaaddooda ay Sabab u ahayd Kuraastii ay Baarlamaanka ku lahaayeen oo ay intooda badan lumiyeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya