4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2015
Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Is-casilaadii Gudoomiyihii Gudiga Dib u eegista Dastuurka


Jimco, May 08, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in si rasmi ah loogu soo War-geliyay is-casilaadda Caasho Geelle Diiriye oo ahayd Guddoomiyihii Guddiga Madaxa-bannaan ee dib u eegista Dastuurka dalka.

“Aad baan uga xumaaday is-casilaadii Caasho Geelle Diiriye. Waa go’aan ay iyadu gaartay, waana xushmeynaynaa go’aankeeda. Waxaana uga mahad-celineynaa dadaalkii badan ee ay gelisay abaabulka guddiga iyo billaabistii hawlaha muhiimka ee guddiga horyaalla," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista dastuurka dalka uu muhiim u yahay mustaqbalka dalka.

“Dib u eegista iyo meel-marinta dastuurka cusub ee federaalka waa aasaaska dadaalkeenna ku wajahan dhismaha Qaranka. Dastuurka waa qayb muhiim ah oo salka ku haya dhismaha hay’adaha dowliga ah; waxaa loogu talo-galay inuu qaabeeyo sida Somalia u ekaan doonto, sida aan Qaran ahaan u shaqeyn doonno, qiyamkeena iyo mabaadi’deenna intaba. Labada hadaf ee kale ee muhiimka u ah gaarista Somalia ee Hiigsiga 2016-ka ee dhameystirka dhismaha dowlad-goboleedyada iyo qabsoomida doorashooyin Qaran waxay ku xiran yihiin in laga guul-gaaro dib u eegista iyo ansixinta dastuurka cusub ee federaalka,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Waxaan haatan diiradda saaraynaa in deg-deg loo helo qofkii qaban lahaa xilka hoggaaminta guddiga, waana in aan helnaa shakhsi ku haboon shaqadan, isla markaana hannaanka dib u eegista Dastuurka dalka horey ugu dhaqaajin kara si deg-deg ah oo hufan.”

Xasan Shiikh ayaa xusay in dhameystirka agabyada muhiimka u ah Hiigsiga 2016-ka aysan ahayn kuwo sinna looga baaqsan karo, wuxuuna raaciyay in ay waajib tahay in xoogga la saaro haddii aan doonayno inaan Somalia ku hoggaaminno jidka nabadda iyo barwaaqada. Ma jiro buu yiri qorshe kan ka duwan oo aan horay ugu sii dhaqaajin karno.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan ayaa sheegay in sidii loo heli lahaa qofkii beddeli lahaa guddoomiyaha is-casishay ay maareyn doonaan hay’adaha sida dastuuriga ah awoodda ugu leh fulinta hawshan.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday hay’adahaasi inay deg-deg hawshan ugu guda-galaan, isla markaana ay xaqiijiyaan in magacaabista guddoomiyaha guddiga dib u eegista dasuurka ay muddo toddobaad gudaheed ah kusoo dhameystiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya