4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2015
Gudoomiyaha Cusub ee Puntland u Magacowday Gobolka Mudug oo Maanta Xilka la Wareegay

Jimco, May 08, 2015 (HOL) — Munaasabadda xil-wareejin ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana ka qayb-galay maamulka cusub ee gobolka Mudug, kan degmada iyo mas’uuliyiin horey xilal uga soo qabtay Puntland.

“Waxaan Maanta xilkii guddoomiyenimo ee gobolka Mudug ku wareejinayaa Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg si waafaqsan dastuurka Puntland,“ ayuu yiri Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo maanta si rasmi ah xilka u wareejiyay.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Intii aan halkan joognay waxyaabo badan ayaa la qabtay, waana dhici kartaa in aan dhaliil yeelanno, laakiinse shaqadii aan qabannay waxaa ka marqaati ah heerka gobolka uu maanta joogo“ ayuu yiri Tigey mar uu ka hadlayay waxqabadkii maamulkiisa intii uu ahaa gudoomiyaha gobolka Mudug.

“Waxaan ku guulaysannay inaan xiriir joogta ah la yeelanno maamulka dariska nala ah ee Gal-Mudug annagoo isku dhafnay dhamaan ciidamada labada maamul si loo sugo amniga guud ee gobolka,“ ayuu mar kale yiri Maxamed Yuusuf.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) ayaa u mahad-celiyay madaxdii isaga ka horeysay, waxaana uu sheegay in uu wax ka qaban doono arimo ay ka mid yihiin amniga iyo waliba arimaha bulshada.

“Ganacsi horumar iyo amni midna lama helayo hadii aysan nabadi jirin si gaar ah waxaan xooga u saari doonna hubinta iyo xaqiijinta amniga gobolka annaga oo la kaashan doonna dhinacyada ay quseeyso,” ayuu gudoomiyaha cusub yiri, isagoo ka hadlayay waxyaabaha uu qaban doono mar haddii uu xafiiska la wareegay.

Ugu dambeyn, digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland 07-dii Abriil ee sannadkan ayaa xilkan loogu magacaabay C/qaadir Shire Faarax Ereg kaddib qaraxyo is-miidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]