4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2015
Booliiska Kenya oo Xabsiga dhigay Wadaaddo ay ku Eedeysay inay Basaasiin u yihiin Al-shabaab


Jimco, May 08, 2015 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 16 wadaad oo ka mid ah culummada muslimiinta Kenya ee dadka wacdiya, kuwaasoo laga qab-qabtay masaajid ku yaalla deegaanka Marsabit ee dalka Kenya.

Taliyaha Booliiska deegaanka Marsabit, Mark Wanjala ayaa Sheegay inay uga shakiyeen wadaadada ay xireen inay basaasiin u yihiin Al-shabaab, isagoo xusay ay ku xiran yihiin saldhigga Karare.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in wadaaddadan Muslimiinta ah ay saddex casho ka hor soo gaareen deegaanka, ayna yihiin kuwo aan deegaanka laga aqoonin, taasna ay keentay inay shaki awgeed u xiraan.

Wadaadadan ayaa la xiray gellinkii dambe ee shalay oo Khamiis ahayd, iyadoo la sheegay inay ka kala yimaadeen Eastleigh (Islii) oo Nairobi ka tirsan, Marsabit, Sololo, Moyale iyo Isiolo.

Dhanka kale, warar ay baahiyeen warbaahinta Kenya ayaa lagu sheegaya in tuhmanayaasha muslimiinta ah ee la xiray loo wareejin doono xarunta la-dagaalanka booliiska dalka Kenya oo ku taalla magaalada Nairobi.

Xariggan ayaa kusoo beegmaya xilli booliiska dalka Kenya ay kordhinteen howlgallada ay ku beegsanayaan xubnaha uga shakiyaan inay Al-shabaab xiriirka la leeyihiin ee Kenya ku sugan tan iyo markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa oo lagu dilay 148-qof.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay Kenya ciidamada u soo dirtay Somalia ka geysanayay dalkaas weerarro uu dhiig badan ku daatay, iyagoo dhawaanna ku hanjabay inay weerarro kale ka geysan doonto Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya