4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2015
Ururka Isku-xirka Dhallinyarada ee CYL oo Shir Wada-tashi ahaa ku Qabtay Cadaado (SAWIRRO)


Jimco, May 08, 2015 (HOL) — Ururka isku-xirka dhallinyarada Soomaaliyeed ee Central Youth Link (CYL) ayaa shalay kulan Wada-tashi ah ugu qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud odayaasha iyo dhallinyarada, xilli uu degmadaas ka socdo shir lagu dhisayo maamulka Gobollada Dhexe.

Kulanka ayaa waxaa ka Qayb-galay Qaybaha kala duwan ee Dhaqanka, sida Odayaasha dhaqanka, nabaddoonnada, cuqaasha iyo dhallinyaro ka kooban rag iyo dumar, waxaana kulankan soo xaadira 110-qof, iyadoo lagu saaray diiradda sidii ay qaybaha kala duwan ee bulshada Gobollada Dhexe isaga wareysan lahaayeen halka uu marayo dhisidda maamul sameynta iyo sidii ay talo iyo tusaaleba u siin lahaayeen dhinacyada ku howlan dhismaha maamulka.

Sidoo kale, kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee Jaamacadda IFTIN ee Cadaado ayaa waxaa ka hadlay odayaal kala duwan kuwaasoo ka warbixiyay inta ay kala socdaan halka ay marayso dhismaha maamulka, iyagoo sheegay in heer wanaagsan uu marayo, waxayna rajo ka muujiyay inay kasoo baxdo natiijo wanaagsan.

Agaasimaha guud ee ururka CYL, C/qaadir Axmad Warsame oo madasha ka hadlay ayaa odayaasha iyo dhallinyarada ku baraarujiyay muhiimada ay leeyihiin talooyinka odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada, isagoo xusay in labadaas qaybood ay udub dhexaad u yihiin bulsho kasta, sidaasi dareedna ay fikradaha ay soo jeediyaan ururin doonaan ayna u gudbin doonaan dhinacyada ku howlan maamul dhisidda, si natiijada soo baxda ay u noqoto mid la wada leeyahay, lana ilaashado.

Xasan Qaasim Warsame oo isna kulanka ka hadlay ayaa ku taliyay in ergooyinka shirka ay ansixiyaan oo kaliya dastuurka maamulka Gobolada Dhexe, marka odayaashu ay soo xulaan xildhibaannada baarlamaanka, si ay u doortaan madaxweynaha, si loo helo maamul rasmi ah oo aan KMG ahayn.

Dhanka kale, kulanka ayaa waxaa looga tashaday sidii loo sixi lahaa wadada toosanna loo marin lahaa habka dhismaha maamulka gobollada dhexe, gaar ahaana xulista, odayaasha dhaqanka, ergooyinka iyo xildhibaannada uu maamulku yeelan doono.

Gunaanadkii kulanka ayaa waxaa u suuro-gashay in ururka CYL, ay isku soo duwaan isla markaana ururiyaan talooyin badan kuwaasoo ay la wadaagi doonaan qaybaha ay khuseyso maamul dhisida Gobolada Dhexe.

TALO SOO JEEDINTA;

1. In Ergada loo xil-saaro ansixinta dastuurka oo kaliya, Baarlamaankana ay odayaasha dhaqanku soo xulaan, kaddibna ay doortaan madaxweynaha, si looga baaqsado samaynta maamul KMG ah.

2. In la xareeyo odayaasha iyo ergada hartay, lana qanciyo beelaha aan wali soo xarayn odayaashooda iyo ergadooda.

3. In dhallinyaradu kaalin mug leh ku yeeshaan geeddi-socodka dhismaha maamulka, isla mar ahaantana ay ku yeeshaan qayb weyn hoggaanka hay’adaha maamulkaas la dhisi doono.

4. In laga dhawro hab-socodka shirka fara-galin kasta oo aan munaasab ahayn dhankii ay doonto haka timaadee

5. In cid kasta guddiga farsamadu uu noqdo mid bulshada ay heli karto, goorta ay rabaan si talo iyo tusaaleba loogu biiriyo, loogana saxo khalad kasta oo bulshadu dareento.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya