4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2015
Xisbiga Muxaafadka ee UK oo u muuqda inuu dib ugu soo laabanayo Awooda Dalkaas (SAWIRRO)


Jimco, May 08, 2015 (HOL) — Xisbiga Conservative ee dalka Britain ayay u muuqataa in uu ku guuleysanayo aqlabiyad doorashadii guud ee ka dhacday dalka UK. Iyadoo Ra'iisul Wasaaraha David Cameron uu ku guuleysanayo hoggaanka Britain shan sano oo kale.

Sidoo kale, xisbigan ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan baarlamaanka dalka Ingiriiska, wuxuuna Cameron u sheegay qaar ka mid ah Taageerayaashiisa in guushan ay xisbigiisa u tahay tii ugu weynayd ee muddo dheer soo marta.

Xisbiga ugu weyn xisbiyada UK ee mucaaradka ah ee Labour ayaa lumiyay kuraas badan, gaar ahaan Scotland oo ay wada-qaateen xisbiga SNP.

BBC ayaa sheegtay maanta in hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha - Labour ee Ed Miliband uu ku dhawaaqi doono is-casilaaddiisa.

Xisbiga Liberal Democrats-ka oo ku jiray dowladdii-wadaaga ayaa lumiyay inta kuraastii uu ka heli jiray gobollada dalka Britain. Iyadoo xisbiga talada haya ee Conservative-ka lagu wado inuu soo dhiso dowladda xigta middan ee dalka Britain.

Xigasho: BBC Somali

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya