4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2015
Wasiirka Gaashaandhigga DF oo ka Warbixiyay Kulamo Amni oo uu kasoo Qayb-galay (SAWIRO)


Jimco, May 08, 2015 (HOL) — Wasiirka difaaca Somalia, C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ugu jiray Turkiga ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Jen. Diini ayaa xusay in intii uu ku sugnaa Turkiga uu kulammo la qaatay dhiggiisa dalkaas oo ay ka wadahadleen arrimo badan oo muhiim ah kuwaasoo ku saabsan iskaashi dhanka Gaashaandhigga ah, waxaana ka mid ahaa buu yiri sidii loo dhisi lahaa ciidamada Qaranka oo Soomaaliyeed arintaasna ay gacan uga gaysan lahaayeen Turkiga.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay intii ay ku sugnaayeen Turkiga uu ka qayb-galay bandhig ku saabsan qalabka difaaca, waxana halkaas uu ka jeediyay khudbad ku aaddan sida ay dowladda Soomaaliya mar walba diyaarka ugu tahay inay sii xoojiso xiriirka soo jireenka ee ka dhexeeya labada dalka, isla markaana ay isaga kaashan lahaayeen Amniga iyo La-dagaalanka kooxaha Argagixisada ee dhibaatooyinka ka geysta Caalamka gaar ahaan Somalia.

Dhanka kale, waxaa isaguna Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka Soomaaliya, Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo) oo Safar shaqo ugu maqnaa dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya