4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2015
Roobab dabeylo iyo danabyo wata oo Khasaare ka Geystay Gobolka Sool iyo Deegaanno kale


Jimco, May 08, 2015 (HOL) — Roobab dabeylo xoogan wata ayaa khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa ka da’ay degaanka Xamar-lagu-xidh oo Buuhoodle faratmeeyo KM dhinaca Koonfur-barri kaga beegan.

Wararka ayaa sheegaya in laba carruur ah ay dhinteen, illaa afar qof oo kale ay iyaguna ku dhaawacmeen duleedka deegaanka Xamar-lagu-xidh, iyadoo dadkan ay ahaayeen isku qoys.

Qoyska dhibaatadu ku dhacday ayaa gurmad ka helay dadka deegaanka Xamar-lagu-xidh, sida uu HOL u sheegay, Idiris Cali oo goobtaas tagay, iyadoo roobabka dabeylaha wata ee khasaaraha geystay ay socdeen illaa xalay.

"Goor gaaban ayaan gaaray halkaas oo 6-KM u jirta tuulada waxaana, isla markiiba noogu yimid caafimaadka deegaanka Bookh ee Kililka shanaad ee dalka Itoobiya oo qaaday dadkii dhaawaca ahaa, kuwaasoo ahaa waalidkii iyo laba caruur ah oo ay dhaleen," ayuu yiri Idiris Cali.

Sidoo kale, duleedka magaalada Laascaanood waxaa shalay gelinkii dambe ku dhacay laba danab oo waxyeello u geystey ari. deegaanka Xidhxidh ayaa wararku sheegayaan in deegaanno ku dhow ay khasaare aan badnay soo gaarsiiyeen danab ka dhashay roobab halkaas ka da'ay.

Roobab aad u badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka da'ayay gobolka Sool iyo deegaanka Cayn, iyadoo ay adag tahay isku socodka gaadiidka oo marba marka ka danbaysa ay sii kordhayso cabsida laga qabo in deegaanno badani go’doomaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Onlin
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool