4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2015
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Guddiyo uu ku jiro kan Doorashada MAGACBYADA+SAWIRRO


Khamiis, May 07, 2015 (HOL) — Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta Anisixiyay guddiyada madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Xuduudaha, kaddib kulan ay Muqdihso ku yeesheen.

Xubnaha golaha wasiirrada ay guddiyada ay ansixiyeen ka yeeshay dood in muddo ah socday, waxaana guddiyadan Hor-keenay golaha Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, waxay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen saddexda guddi ee maanta la horkeenay, kuwaasoo muhiim u ah in Higsiga 2016-ka ee Somalia.

Wasiirka Caddaaladda Somalia, C/llaahi Axmed Jaamac(Ilka-jiir) oo la hadlay warbaahinta ansixinta kaddib ayaa akhriyay magacyada toddoba xubnood ee ku guuleystay inay ka mid noqdaan guddiga Adeegga Garsoorka, kuwaasoo dhawaan lagu soo dari doona labada xubnood oo ka dhiman.

Magacyada Guddiga Adeega Garsoorka:

1. Mudane Caydiid C/laahi (Ilka-xanaf) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
2. Dr. Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
3. Avv Maryam Xaaji Cilmi Maxamuud Ururka Garyaqaanada.
4. Avv Shariif Sheekhunaa Maye Bulshada Rayidka ah
5. Prof Ciise Axmed Warsame Ururka Garyaqaanada Soomaaliyeed
6. Mudane Axmed C/laahi Xuseen Bulshada Rayid ah
7. Sheekh Cismaan Ibrahim Axmed Bulshada Rayid ah

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa isna sheegay in gudiyaadan qorshahoodu ahaa in la dhiso muddo 60-casho gudahooda sanadkii 2012-kii kaddib markii la ansixiyey xukuumaddii ugu horaysay, waxaase maanta ku guuleysannay inaan kusoo dhisno guddigaas muddo bil gudaheeda ah, kaddib markii ay magacowday horraantii bishii hore guddiyadii soo xuli lahaa. Waxaana isku soo taagay inay ka mid noqdaan labadan guddi 356-qof  oo Qaybaha kala duwan ee bulshada  ka koobnaa.

Guddigan markii lasoo kala saaray ayaa maanta Golaha Wasiirradu waxaa la hor-keenay 46-xubnood si looga soo dhex xulo 18-xubnood oo kala noqon doona guddiga madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo kan Xuduudaha iyo Federaalka. Dood dheer kaddib waxaa cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay  18-xubnood oo min sagaal ah oo labadan guddi ka kooban, kuwaasoo kala ah;

Magacyada Guddiga Doorashooyinka:

1. Siciid Xaashi Warsame
2. Maxamed Xasan Thaani
3. Xuseen Cabdi Aaden
4. Sayid Cali Sheekh Maxamed
5. Maxamed Axmed Nuur
6. C/rixmaan Cismaan Dirir
7. Maxamed Daahir Maxamuud
8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahiim
9. Khadiijo Cosoble Cali

Magacyada  Guddiga Xuduudaha:

1. Muuse Waxgarad C/laahi
2. Liibaan Cali Sahal
3. Maxamed Muxyadiin Sh. Sahal
4. Dr. C/laahi Gacal Cabdi
5. Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim
6. Siciido Xasan Cusmaan
7. Xuseen Xaashi Xasan
8. C/khaaliq C/laahi Xamza
9. Khaliif C/kariin Maxamed

Ugu dambeyn, Wasaaradda Maaliyadda Somalia ayaa soo jeedisay sidii wax looga Qaban lahaa gaadiid dowladdu leedahay oo ku jira gacanta shacabka, iyadoo goluhu isku raacay magacaabista guddi ka kooban Wasaaradaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Maaliyadda, Amniga Qaranka, Xeer-ilaaliyaha Qaranka iyo Hanti-dhowrka guud, inay soo diyaariyaan habka ugu wanaagsan oo gawaaridaas dib loogu soo celin lahaa gacanta dowladda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya